Golaha Wasiirada XFS oo fadhi ka leh Caqabadaha hortaagan

Golaha Wasiirada XFS ayaa maanta fadhi gaar ah ka leh Xaaladda dalka gaar ahaan Habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan Doorashada Soomaaliya 20/21 sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo.

- Advertisement -

Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Bishii September 2020 ballanqaaday in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo & October oo ay Xoojisay Xukuumadda fulinta jadwalka Doorashada 20/21 ayaa iska xog wareysanaya caqabadda hortaagan.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhageynsaya Warbixinta Raysul Wasaare Rooble ee ah kulamada uu la qaatay Guddiga Doorashada 20/21 oo muran ka yimid xubnaha qaar, fadhiyada uu la yeeshay wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka & dhaq-dhaqaaqa uu sameeyay.

Wasiirada ayaa dhankooda la dhageysanayaa Talooyinka looga gudbi karo caqabadaha si dalka ay uga dhacdo doorashada lagu ballansan yahay ee loo dejiyay jadwal la raacayo oo shaqo waliba waqtiga la qabanayo ku xusan tahay.

Jadwalka Doorashada ee Hogaamiyayaasha DFS & DG ee soo baxay 1-da October 2020 ma dhaqangelin, marka la eego sida howsha loo qabanayo, 5-Cishe oo keliya ayaa ka dhiman waqtiga ugu dambeeyo Doorashada Senatarada Aqalka sare BFS.

Iskaba dhaafee in la gunta loo galo Doorashada, waxaa wali qabyo ah Guddiga qaban lahaa shaqadaas, Hogaamiyaha DG Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shuruud ka dhigay dhammeystirka Guddigaas in Gobolka Gedo laga qaado Ciidanka DFS ay geysay.

Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More