Ciyaaryahanadda Arsenal Oo Si Carro & Qeylo Leh Iskula Hadlay Ka

Ciyaaryahanadda Arsenal ayaa hadalo kulul isweydaarsaday kulan ay kooxda yeelatay oo la doonayay in ciyaartoyda ay isku sheegaan wixii ay isku qabaan si meesha looga saaro qilaafaadka ciyaartoyda dhexdooda ka jira.

- Advertisement -

Arteta ayaa doonayay in ciyaartoydiisa ay midnimo muujiyaan ka hor kulanka adag ee ay Axada la ciyaarayaan kooxda ay deriska yihiin ee Tottenham.

Arsenal ayaa dhibaato ku jira xilli ciyaareedkan iyagoo ku jira kaalinta 14aad ee Premier League madaama ay badiyeen afar ka mid ah 10kii kulan ee ugu horeysay.

Ka dib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Wolves Axadii la soo dhaafay, Mikel Arteta ayaa isku keenay ciyaartoydiisa si ay u xaliyaan qilaafaadka dhexdooda ah ka hor kulanka North London Derby.

ESPN ayaa sheegtay in Arteta ku martiqaaday ciyaartoyda inay si dhab ah u wada hadlaan oo uusan qofna la gabanin aragtidiisa.

Laakiin warbixinta ESPN ayaa lagu sheegay in ka dib markii uu Arteta iyo shaqaalaha tababarka ay baxeen in ciyaartoyda Arsenal ay dhexdooda hadalo carro ah isweydaarsadeen inkastoo ay ka aheyd wax sixid.

ESPN waxay sheegtay in qaabka ay ciyaartoyda u wada hadlayeen inay aheyd mid duufaan iyo xamaasad ah.

Arsenal ayaa ka soo kabsatay guuldaradii isbuucii la soo dhaafay soo gaartay iyagoo si raaxo leh 4-1 xalay uga badiyay kooxda Rapid Vienna kulan ka tirsanaa Europa League.

Gunners ayaa wajaheysa kulan adag oo ay u safrayaan Tottenham oo hogaamineysa Premier League iyagoo 21 dhibcood la wadaaga Liverpool.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More