Miyuu Thomas Partey Diyaar U Yahay Kulanka Adag Ee
Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday fursada khadka dhexe ee kooxdiisa ee Thomas Partey uu u haysto inuu ka qayb qaato kulanka adag ee ay Axada la yeelan doonaan dhigooda Tottenham ciyaarta North London Derby.
Saxeexii xagaaga ee Arsenal ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Aston Villa guuldarrada kala soo kulmeen bishii hore waxaana uu maqnaa tan iyo wakhtigaas.
Thomas Partey ayaa seegay dhammaan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ciyaartay iyadoo kooxdiisu ay mudadaas hal dhibic kasoo heshay Premier League.
Partey ayaa sidoo kale ka maqnaa Gunners kulankii ay xalay 4-1 ka kaga adkaadeen dhigooda Rapid Vienna ciyaar ka tirsanayd UEFA Europe League.
Arteta oo kaddib kulankii Vienna ee xalay hadlay ayaa sheegay inay qiimayn doonaan xaalada bur-buriyaha ree Ghana balse uu tababarka kooxda la samayn doono maanta oo Jimce ah.
Macalin ku xigeenkii hore ee Manchester City ayaa yidhi “Isagu cadaadis badan ayuu na saarayaa anaga, berri (Maanta) ayuu nala tababaran doonaa, aynu aragno sida ay wax noqdaan dhawrka maalmood ee soo socda”
Soo laabashada Thomas ayaa ku adkayn doonta Tottenham ciyaartaasi, xiddigaha Jose Mourinho ayaa ah kuwa hoggaanka u haya horyaalka hadda.
Gunners ayaa qaabkii ugu wanaagsanaa ugu diyaar garoobay kulankaas kaddib guushii quruxda badnayd ee xalay iyadoo uu Alexandre Lacazette kaddib mudo dheer shabaqa taabtay.