Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii Xildhibaannimo ka qaaday

Baarlamanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa saaka kulan ay ku yeesheen xaruntooda Garowe waxa ay ku sheegeen in ay xasaanada kala laabtay tiro 8 Xildhibaan ah oo lagu soo eedeeyay falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka Anshaxa gollaha wakiiladda maamulkaasi.

35 Mudane ayaa gacanta u taagay in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo,saddex Mudane ayaa diiday hal Xildhibaana wuu ka aamusay shaqo ka ceyrinta Xildhibaanadaas oo magacyadoodu kala yihiin:-

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Ka hor intii aan laga galin shaqada xubnahani waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen guddiyo ka tirsan isla gudaha baarlamanka kuwaas oo xal u waayay eedaymo mudanayaashaani u jeediyeen gudoonka golaha wakiiladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo aadan qadiyada dekada Boosaaso ee shirkadda DP World.

Xarunta Baarlamanka, waxa maalin ka hor si rasmiya loogu wareejiyay Ciidamo Booliisk ah, kadib markii xildhibaannada qaarkood cabasho ka muujiyeen Ciidamadii hore ee Ilaalada Xarunta, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in uu adeegsado Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil dhanka kale ciidamo daacad u ah gudoomiyaha ayaa ku sugan banaanka xarunta Baarlamaanka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More