“Shakhtar Way Garaaci Doontaa Real Madrid, Dhibaatadii Inter

Luis Castro waxa soo maray mid ka mid ah maalmihiisii ugu farxadda badnaa ee tababarenimo, waxaanu awood u yeeshay inuu Real Madrid 3-2 kusoo garaaco isagoo ugu tegay caasimadda Spain, taas oo xilligaas aanu xataa niyadda sii gashanin.

- Advertisement -

Laakiin waxa ugu xigtay barbarro ay Inter Milan la galeen iyo laba guul-darro oo waaweynaa oo kasoo gaadhay Borussia Monchengladbach oo ku garaacday isu-geynta 10-0. Kulanka hore wuxuu kusoo dhamaaday 4-0, ciyaarta labaadna 6-0.

Inkasta oo ay yihiin dhibbaneyaasha oo ay kaalinta saddexaad ee group-kan fadhiyaan, haddana Shakhtar Donetsk way soo bixi kartaa haddii ay garaacdo Real Madrid kulankooda caawa, sidoo kalena ay badiso ciyaarta xigta amaba mar kale laga badiyo Real Madriid.

Luis Castro oo kasii hadlay ciyaarta ay caawa kusoo dhoweynayaan Real Madrid ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu u diyaarsan tahay inay garaacdo Real Madrid, awooddeediina ay leedahay, waxaanu yidhi: “Grouyp-kani waa ka ugu adag Champions League. Shakhtar waa kooxda dhibaatada ugu badan kala soo kulantay Madrid, Inter iyo Monchengladbach, waanay iska caddahay. Laakiin, rajada ma joojinayno, ciyaartan aanu ku waajahayno Madrid na waxyaabo badan ayaa la tixgelin doonaa oo ku xidhnaan doona kooxda soo gudbaysa. Waxaan rajaynayaa inaan arko Real Madrid-dii wanaagsanayd, kooxdii koobabka ugu badan kusoo guuleysay. Shaqo adag ayaa naga horreysa, balse rajadayada waanu leenahay.

“Haddii ay naga badiyaan Madrid way soo baxaysaa, anaguna waxaanu ciyaari doonaa Europa League. Laakiin sannadkii hore ciyaar kaliya lanagama badin kulamadii aanu martida ahayn. Waxaanu la barbarraynay City, waxaanu garaacnay Atalanta iyo barbarro aanu la galnay Zagreb. Ka hor ciyaartan (Real Madrid) waxaanu dib u helnay qaab ciyaareedkayagii. Waxaananu haysanaa koox awood u leh inay garaacdo Real Madrid.”

Real Madrid ayaa kulankan u baahan inay badiso si ay ugu soo gudubto wareegga 16ka, sidaas oo kalena waxa xataa barbarro kusoo bixi doonta Borussia Monchengladbach oo haysata siddeed dhibcood.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More