Xiddigaha Ugu Wanaagsan LAAGA XORTA Ah Ee Premier League Oo

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Southampton ee James Ward-Prowse ayaa toddobaadkan wacdaro ka dhigay hroyaalka Premier League kulankii ay 3-2 ku kala baxeen Manchester United oo uu dhaliyey laag xor ah oo cajiib ahaa.

- Advertisement -

Xiddigan ayaa dhaliyey saddex gool oo laag xor ah xili ciyaareedkan, waxaana laba ka mid ahaa uu kusoo hubsaday shabaqa kooxda Aston Villa, iyadoo ay haddaba goolhayeyaashu daraasayn ku samaynayaan qaabkiisa laagista kubaddaha laaga xorta ah.

James Ward-Prowse waxa uu hadda yahay ciyaartoyga ugu fiican kubaddaha noocan ah xili ciyaareedkan, waxaana uu kaga sii wanaagsanaan lahaa haddii uu heli lahaa koox weyn oo awood u leh in qaladaad badan oo goolka ku dhow loo dhigo, taas oo ka caawin lahayd inuu goolal badan oo laag xor ah dhaliyo.

Qiimayn lagu sameeyey ciyaartoydii ugu fiicnaa laagga xorta ah laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 2017/18 ayaa la shaaciyey, waxaanu James Ward-Prowse kasoo galay kaalint afraad.

16 ciyaartoy oo ahaa kuwa goolashii ugu badnaa ee laagga xorta ah soo dhaliyey, waxa hoggaanka u qabtay xiddigo aanad filayn, iyadoo uu kaalinta 1aad ku jiro kabtankii hore ee Manchester City ee David Silva oo hadda ka tirsan kooxda hoggaanka horyaalka Spain haysa ee Real Sociedad.

Kaalinta labaad ayuu soo galay ciyaartoy kale oo aanad rumaysan karin oo ka tirsan Manchester United, waana ruug-caddaaga reer Spain ee Juan Mata, halka kaalinta saddexaadna uu soo galay Philippe Coutinho oo january 2018 u wareegay Barcelona.

Xiddiga kooxda Manchester City ee Kevin de Bruyne ayaa kaalinta ugu hoosaysa ee qiimayntan soo galay, waxaanu fadhiyaa 16aad iyadoo uu xataa kasii dambeeyo Christian Eriksen.

Waa Kuwan 16ka xiddig ee ugu sarreeya qiimaynta laagga xorta ah laga soo bilaabo 2017/18.

16. Kevin De Bruyne – 5.3%

15. Christian Eriksen – 5.7%

14. Luka Milivojevic – 7.7%

13. Lucas Digne – 8%

12. Ruben Neves – 9.5%

11. Marcos Alonso – 10%

10. Trent Alexander-Arnold – 10%

9. Granit Xhaka – 10.5%

8. Aaron Cresswell – 12.5%

7. James Maddison – 12.9%

=5. Harry Wilson – 16.7%

=5. Riyad Mahrez – 16.7%

4. James Ward-Prowse – 19.5%

3. Philippe Coutinho – 20%

2. Juan Mata – 22.2%

1. David Silva – 27.3%

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More