Gabar Garsoore Looga Dhigay Kulan Weyn Oo Champions League

UEFA ayaa u magacowday gabadhii ugu horeysay abid inay garsoore dhexe ka noqoto kulan ka tirsan koobka Champions League ee ragga ee la ciyaarayo todobaadkan.

Gabadha garsooraha ah ee u dhalatay dalka Faransiiska Stéphanie Frappart ayaa loo magacaabay inay garsoore ka noqoto kulanka adag ee u dhaxeeya kooxaha Juventus iyo Dynamo Kiev.

Waxay galeysaa taariikhda Champions League iyadoo noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee garsoore dhexe ka noqota tartankaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay garsoore ka noqoto kulan weyn oo Yurub ah iyadoo aheyd garsooraha kulankii UEFA Super Cup ee dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Chelsea ee 14kii Agoosto 2019 ka dhacay magaalada Istanbul.

Waxay sidoo kale garsoore ka aheyd finalkii Koobka Adduunka dumarka ee u dhaxeeyay xulalka Netherlands iyo Mareykanka ee la qabtay sannadkii la soo dhaafay.

Isla sannadkii hore waxaa gabadhaan lagu soo daray garsoorayaasha horyaalka Faransiiska iyadoo garsoore ka noqotay markii ugu horeysay kulankii  SC Amiens iyo RC Strasbourg.

Stephanie Frappart ayaa garsoore aheyd tan iyo sannadkii 2009.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More