Lafta Madaxa Ayaa Jabtay – Qalliin Degdeg Ah Oo Lagu
Raul Jimenez ayaa lagu sameeyey qalliin degdeg ah kaddib jabniin lafta madaxa ah oo kasoo gaadhay isku-dhacii xalay ee David Luiz.
29 jirkan ayaa loola cararay cusbitaalka iyadoo la saaray baabuurka gurmadka degdegga ah cabaar ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa kula tacaalayeen garoonka dhexdiisa.
Laacibkan ayaa galay koomo ama miyir la’aan, waxaana lagu xidhay qalab ka caawiya neefsiga illaa intii uu ka gaadhayay dhakhtarka.
Raul Jimenez ayaa miyirkiisu taam ku noqday markii dhakhatarka la geeyey hase yeeshee baadhitaan lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday inay jabtay lafta madaxa ee halkii uu kaga dhacay madaxa Luiz Suarez xilli ay wada boobayeen kubbad koorne ahayd oo lasoo laaday.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wolves ayay ku sheegtay in weeraryahankeedan lagu sameeyey qalliin guuleystay isla markaana uu soo kabanayo.
“Raul wuu deggan yahay kaddib qalliin lagu sameeyey xalay oo ka dhacay cusbitaal ku yaalla London. Waxa illaa markaa la joogtay gacalisadiisa Daniella, haddana wuu nasanayaa.” Ayay Wolves ku tidhi war-saxaafadeedkeeda.
Wolves waxay u mahad-celisay waaxda caafimaadka Arsenal ee garoonka dhexdiisa sida fiican ugula tacaalay, illaa intii qalliinka lagu samaynayayna la shaqaynayay halka ay NHS-kana uga mahadcelisay sida ay ugu dedaaleen in qalliinkani hirgalo oo uu waliba guuleysto.
Jimenez ayaa lagu xidhay Oxygen si aanay xaaladdiisu usii xumaanin muddo shan daqiiqo ahayd oo garoonka dhexdiisa lagula tacaalayay, ugu dambayntiina waxa loola cararay cusbitaalkan qalliinka loogu sameeyey.
Dhakhtarka qalliinka ku sameeyey Jimenez ayaa ah midkii sannadkii 2017kii qalliinka madaxa ah ku sameeyey Ryan Mason, waana takhasus, laakiin Mason ayaa guud ahaanba ciyaaraha ka fadhiistay maadaama aanu awoodi karaynin inuu mar kale ciyaaro.