Deportivo Alaves Oo Guul Weyn Ka Soo Gaartay Real Madrid
Real Madrid ayaa soo bandhigaty ciyaar ay ka maqneyd xasiloonida diiraddana ma aysan saareyn oo ciyaartooyda kooxdaas waxa ay ka sheeganayeen in si qaldan ay u qaadanayeen go`aanada , waxaana looga badiyay 2/1
Deportivo Alaves waxa ay soo bandhigeen ciyaar kalsooni leh mar waliba waa ay ku dhiranayeen in ay tagaan afka hore Real , waxa ayna Real sidoo kale ku dhibaatoodeen in si sax ah u tagaan inkastoo daafaca iyo goolahayaha Deportivo Alaves is hor taageen isku dayadii Real.
Deportivo Alaves waxa ay ka sheegteen qasaarinta fursado , waxaan guusha ka caawiyay qaladkii goolhayaha Real iyo daafaca waxa ayna goolasha kooxda martida kala yimaadeen daqiiqadihii 5-aad waxa ayna aheyd rigoore
Qeybta labaad durba Real waxaa lagu helay gool labaad ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha oo baas qalday waxa ayna aheyd daqiiqaddii 49-aad
Ka dib Real isku dayo kala duwan ayay sameeyeen balse ma aysan helin xal waxaan Real daqiqaddii 28aaad saareen Hazard oo u muuqday mid dhaawacmay waxaana lagu badalay waqtigaas Rodygro , waxa ayna Real sameeyeen isku dayo kala duwan inkastoo xal weyn u helin afka hore kooxda martida ah
Si waliba Real waxa ay goolka sharafta heleen daqiiqadii 86-aad waxaan saxiixay Casemero xilli ay xusid mudan tahay in Real ay ka muuqatay kulankaan dhibaato dhanka afka hore waana mushkilad aan qarsooneyn .
Kooxda martida waa ay mudnaayeen guusha ay Real ka gaareen marka la eego taatiko ahaan iyo farsamo waxa ayna soo bandhigeen ciyaar geesinimo leh .