Hadalkii Uu Arturo Vidal Uu Ku Yiri Garsooraha Ee Lagu

Xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan Arturo Vidal ayaa waxaa soo martay habeen ay tahay inuu iska ilaawo Arbacadii markii casaan la siiyay kulankii Champions League ee ay guuldarada ka soo gaartay Real Madrid.

Laacibka reer Chile ayaa casaan la siiyay iyadoo kooxdiisa lagu hogaaminayo 1-0 qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuu qaatay labo calamaad oo hurdi ah oo isku xiga ka dib markii rigoore loo dhigi waayay.

Vidal oo kooxda Inter Milan kaga soo biiray Barcelona xagaagan ayaa ku dhex dhacay xerada ganaaxa laakiin garsoore Anthony Taylor uma dhigin rigoore isagoo Vidal u taagay labo jaale oo isku xiga ciyaartana ka saaray.

Haatan waxaa soo baxay muuqaal ay duubtay Gol TV oo soo bandhigaya hadaladii uu Vidal kaga careysiiyay garsooraha ee keentay in casaan loo taago.

“VAR ayaa ku siineysaa wax baas oo aad eegto, welina waxba iima dhigeysid.” ayuu Vidal ku yiri garsoore Antony Taylor isagoo careysan.

Goolal ka kala yimid Eden Hazard iyo Rodrygo Goes ayaa guusha u xaqiijiyay kooxda ZInedine Zidane iyadoo Real Madrid ay haatan qarka u saaran tahay inay u soo gudubto wareega 16ka halka Inter Milan ay halis ugu jirto inay ku harto wareega group-yada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More