Kulamo xal raadin ah oo ka socda magaaladd Beledweyne! –

Hogaamiye kuxigeenka maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kulamo kala duwan ka wada Magaalada Beledweyne, kuwaas oo looga hadlayo sidii Hogaamiyaha Hir-Shabeelle uu ku tegi lahaa Beledweyne.

Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuud oo kamid ahaa musharixiintii isaga haray tartanka doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ku sugan degaanka Ceel-Gaal ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan in Hogaamiyaha Hir-Shabeelle uu tago magaalada Beleweyne.

Hogaamiye kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulamo la leh Mamaulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada & Odayasha dhaqanka si si nabad ah uu Cali Guudlaawe u tago Beledweyne.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Sarkaalka ku sugan degaanka Ceel-gaal & maleehsiyaadka uu wato ay ka biyo diideen dalabka Hogaamiye kuxigeenka Hir-Shabelele, iyaga oo sheegay in doorashadii ka dhacday Jowhar ay aheyd mid la musuq maasuqay.

Kulamada ayaa weli ka socda Magaalada Beledweyne, iyada oo Hogaamiye kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) uu dadaal ku bixinayo in Beledweyne uu tago Hogaamiyaha Hir-Shabeelle si loo qabto munaasabadda Caleemo-saarka Hogaamiyayaasha Hir-Shabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More