Cristiano Ronaldo Oo Babarreeyey Rikoodh Uu Lionel Messi

Cristiano Ronaldo ayaa xalay soo qabtay rikoodh gaar u ahaa laacibka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi, kaddib markii uu gool ka dhaliyey kooxda Ferencvaros.

Juventus ayaa lagala hor maray gool uu Ferencvaros u dhaliyey laacivbka Myrto Uzuni, balse xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa intii aan loo bixin waqtiga nasashada keenay goolka barbarraha ee kooxdiisa, iyadoo ugu dambayntiina uu Alvaro Morata oo beddel kusoo galay uu Old Lady u saxeexay goolka guusha.

Goolka uu Cristiano Ronaldo dhaliiyey oo ku yimid kubbad uu Juan Cuadrado ugu dhiibay dhinaca bidix kaddibna uu masaafo fog lugta bidix kaga toogtay oo uu shabaqa ku hubsaday ayaa waxa uu kusoo qabtay rikoodh khaas u ahaa Lionel Messi oo ku saabsanaa gool-dhalinta Champions League.

Xiddiga reer Argentina ayaa hore u haystay rikoodhka ciyaartoyga garoonka kooxdiisa ku dhaliyey goolasha ugu badan ee Champions League, waxaanu haystay 70 gool oo dhamaantood uu Camp Nou ugu dhaliyey Barcelona kulamo ka tirsanaa Champions League.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa isaguna rikoodhkan soo gaadhay xalay, waxaana goolka uu ka dhaliyey Ferencvaros uu ahaa midkii 70aad ee uu ka dhaliyey kulamo Champions League ah.

Cristiano Ronaldo ayaa guud ahaan Champions League ka dhaliyey 131 gool 172 ciyaarood, kuwaas oo uu intooda badan kusoo dhaliyey waqtigiisii Real Madrid hase yeeshee waayihiisii Manchester United iyo Juventus ay intuba qayb ka yihiin.

70 – #CristianoRonaldo has scored 70 goals in Champions League home games: a joint-record for home goals in the history of the competition, level with Lionel Messi. Monsters.#ChampionsLeague #UCL pic.twitter.com/uU0HzYm1LI

— OptaPaolo (@OptaPaolo) November 24, 2020

Xiddigan shanta jeer noqday laacibka ugu wanaagsan dunida ayaa ah mishiin dhinaca goolasha ah, waxaanu dhowaan u dabbaal-degay goolkiisii 100aad ee kulamada caalamiga ah ee uu u dhaliyey qarankiisa Portugal.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa wali kula jira xafiiltan aan dhamaad lahayn, waxaanay u muuqataa inay isku sii dhegsanaan doonaan sannado kale oo badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More