“Waxa aan diyaar u ahay in Musharixiinta aan kala fadhiisto

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto cid waliba oo cabasho ka ah Guddiga Doorashada 20/21 oo hormuud u ah hirgelinta doorashada Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in mas’uuliyad culus ay saaran tahay Xukuumaddiisa, sidaas awgeed uu diyaar u yahay in uu raadiyo qof waliba oo cabasho qaba si uu u fahamsiiyo guddiga & micnaha uu u leeyahay dhismaha Dowladda cusub ee 4-ta sano soo socota.

“Xilka in la qaado waa mas’uuliyad culus, waxaa jira Rag walaalahey ah oo aan si fiican u garanayo oo musharixiin ah oo cabasho ka keenay Guddiyada doorashada, waxa aan diyaar u ahay in aan kala fadhiisto si aan uga qanciyo tabashadooda” Sidaasi waxaa yiri RW Rooble.

Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 oo u badan mas’uuliyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ayaa sheegay in Guddiga Doorashada lagu biiriyay xubno xubno katirsan Nabadsugidda, Madaxtooyada & Shaqaalaha Rayidka ah.

Xukuumadda Soomaaliya waxaa horyaalla fulinta heshiisyada Doorashada 20/21 ee Hogaamiyayaasha Federaal & heer Dowlad Goboleedyada doodo adag, kulamo & wada tashiyo dheer kadib go’aamiyay nuuca doorasho & jadwalkeeda.

Haddaba, Raysul Wasaare Rooble suuragal ma tahay in Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21 uu kala xaajoodo Cabashada ay ka qabaan Guddiga Doorashada?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More