“6-Bil kadib Cadalaadda ma helin Dhaqaatiir lagu dilay

Warbixin kasoo baxday Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch waxa ay uga hadashay 6-bilood kadib waxa laga qabtay dil wadareed loo geystay samafalaal caasimaad oo lagu dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhacdadaan ayaa lagu dilay 6-Dhaqaatiir & qof farmashiye ka shaqeynayay, falkaan oo dhacay 27-kii May 2020, kadib markii 1:30 P.M. ay afduubatay koox wajiga daboobatay oo ka koobneed shan ruux sida ay wariyeen dadka deegaanka.

Xarunta Caafimaadka ee Gololey oo ay gacansiiso Hay’adda Zamzam Foundation ayay ka shaqeynayeen dhaqaatiirta dil wadareedka loo geystay ee maydkooda la helay maalin kadib afduubkooda oo ah 28-ka May 2020.

Dowladda Federaalka ayaa guddi u xilsaartay dhacdadaas, Cambaareynta DG Hir-Shabeelle, Mareykanka & dhinacyada kala duwan ee falkaas ka falceliyay wax dhaafsiisan ma jiraan lex bilood kadib sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch.

Warbixinta Hay’adda HRW ayaa lagu dalbaday in ay wali cadaalad sugayaal yihiin ehelka dadka la dilay, waxa ay ku baaqday in baaris dhab ah lagu sameeyo xasuuqa loo geystay dhaqaatiirta sida ay soo jeedisay Hay’adda.

Madaxa Human Right Watch ee Geeska Afrika oo lagu macabaao Laetitia Bader ayaa dabagal ku heysay waxyaabaha iska badala xaaladda dilkaas, cadaalad helista ehelka ay kasoo jeedaan geesiyaasha naftooda u huray howlaha caafimaadka ee naftooda la dhaafiyay.

Hay’adda Human Right Watch ayaa sheegtay in aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan si lagula xisaabtamo, balse waxa jira oo kaliya uu yahay in tuhun, maadaama Al-Shabaab ay inkirtay in ay ka dambeysay.

Dhamaadkii May 2020, guddi loo xilsaaray xog uruurinta dil wadareedka loo geystay dhaqaatiirka Gololey ayaa tagay Degmada Balcad, waxa ay la kulmeen ehelka dadkaas oo ay ka qoreen macluumadkii ugu dambeeyay kahor inta aan la afduuban & haddii ay jiraan waxyaabo ay u sheegeen oo kusoo kordhay sida hanjabaad, Digniin & IWM.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa 30-kii May 2020 Ka bariyeelay Militariga Soomaaliya in ay ka dambeeyeen dilkaas, xili uu ku sugnaa Xerada Taliska Guutada 13-aad ee CXD ee Degmada Cadaado oo uu howlo shaqo u joogay.

Haddaba, Maxaa hortaagan in Cadaaladda la horgeeyo dadkii ka dambeeyay Dil-wadareedka loo geystay Dhaqaatiirta lagu dilay Deegaanka Gololey?

Isha: Human Right Watch   /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More