Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Biiray Liiska Cuqaasha Horyaalka
Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu daray diiwaanka taariikhiga ah ee cuqaasha horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxaanu noqday ciyaartoygii afraad ee abid lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey goolal ka dhaliya.
Halyeyga reer Sweden ayaa sidoo kale taariikh kale xalay loo diiwaangeliyey iyadoo uu la barbarreeyey rikoodh la dhigay 78 sannadood ka hor.
Ibrahimovic oo laba gool u dhaliyey AC Milan kulankii ay xalay 3-1 ku garaaceen Napoli, isla markaana kooxdiisa ka caawiyey inay laba dhibcood hopggaanka ku hayso ayaa waxa uu sii wada rikoodhka gool-dhalinta xidhiidhka ah, waxaanu daqiiqaddii 20aad jabiyey difaaca Napoli oo uu ka dhaliyey goolka hore, ka hor intii aanu 2-0 ka dhigin bilowga qaybtii labaad.
Labadan gool ayaa siiyey Ibrahimovic rikoodh ah ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee siddeedii kulan ee ugu horreeyey ee horyaalka ka dhaliya 10 gool.
Saddex ciyaartoy oo kaliya ayaa hortii dhaliyey goolal lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey xili ciyaareedkan, waxaana uu isaguna ku biiray liiskan.
Gabriel Batistua oo Fiorentina u ciyaarayay ayaa xili ciyaareedkii 1994-95 waxa uu shabaqa soo taabtay lixdiisii ciyaarood ee ugu horreeyey, waxaana ku xigay Christian Vieri oo waqtigiisii Inter Milan xili ciyaareedkii 2002-03 dhaliyey goolal lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey, waxaana kan ugu dambeeyey ahaa Krzysztof Piatek oo xili ciyaareedkii 2018-19 u dhaliyey Genoa. Ibrahimovic ayaa liiskan ku noqday ciyaartoygii afraad.
Zlatan Ibrahimovic ayaa soo bilaabay goolashiisa September 21, kulankii ay 2-0 kusoo garaaceen Bologna. Kaddib waxa haleelay xanuunka Korona Fayras oo dhawr ciyaarood uu ku maqnaa.
Markii uu kusoo laabtay garoomada ayuu halkiisa kasii watay, waxaana uu ku bilowday ciyaartii barbarraha 3-3 ay la galeen Roma.
Waxa uu halkii kasii waday bishan November oo uu ka dhaliyey Udinese, Hellas Verona iyo ugu dambayntii Napoli.
Laakiin rikoodhka uu kalidii sameeyey ayaa ah inuu yahay ciyaartoyga ugu da’da weyn abid ee siddeedii kulan ee ugu horreeyey horyaalka soo dhaliya 10 gool, waxaanu rikoodhkaasi ugu hirgalay iyadoo uu waliba kulamada qaarkood ka maqnaa.