Ferdinand Iyo Paul Scholes Oo Isku Raacay Xiddiga Ay Tahay
Halyeeyadii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand Iyo Paul Scholes ayaa isku raacay laacib ay tahay in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu kaydka u diro kaddib bandhig liita oo uu la yimid kulankii xalay ay 1-0 rikoodhe ahaa kaga adkaadeen West Brom.
Red Devils ayaa guushii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ku heshay garoonkeeda Old Trafford, waxaanay ahayd mid ay ku dhibaatoodeen oo VAR ka joojiyey rikoodhe laga dhalin lahaa, iyagana uu VAR siiyey rikoodhe gool noqday kaas oo toogashii hore laga badbaadiyey Bruno Fernandes laakiin muuqaal caawiyuhu uu caddeeyey in goolhayuhu soo baxay, sidaana loogu celiyey mar kale.
Manchester United may abuurin fursado wanaagsan kulankaas, waxaana inta ugu badan ay kubbadaha ku toosinayeen goolhaye Sam Johnstone oo si fiican ula tacaalay, taasina waxay keentay in Rio Ferdinand Iyo Paul Scholes ay dib ugu noqdaan shaxdii uu Solskjaer kusoo galay garoonka oo ay dalbadaan in laacibkan laga tuuro.
Scholes oo hadalka ku horreeyey ayaa waxa uu su’aal ka keenay sababta uu Solskjaer laba kubbad-burburiye ugu soo bilaabay ciyaarta iyaduu uu fursadda uga faa’iidaysan karayay hal kubbad-dile iyo kubbad-sameeyeyaal u horseeda goolal ay kooxdu dhaliso.
“Marka aad gurigaaga joogto, waa inaad awood u yeelato inaad in badan kubadda hayso, balse ma ilama aha in tayadaasi jirto labadoodaba (Matic & Fred).” Ayuu yidhi Scholes oo intaa ku daray: “Ha noqoto Fred iyo Matic ama Fred iyo Scott McTominay, waxay ku wanaagsan yihiin inay dib u fadhiistaan oo ay ciyaarta maamulaan, ayna ilaaliyaan difaacyada dhexe, taas oo ah dhab ahaantii sababta ay u ciyaarayaan.
“Dhibaatadu waxay tahay, waxaynu haysanaa difaacyo aan ku fiicnayn inay mid-iyo-mid ku difaacaan. Sidaas ayaanu ugu baahanahay labadan dhex ee dambe si ay u ilaaliyaan afarta dambe.
“Ma jirto sabab iyadoo Old Trafford lagula icyaarayo West Brom loogu baahdo laba ciyaartoy oo dhex dambe ah.”
Rio Ferdinand ayaa isaguna ku waafaqay, waxaanu yidhi: “Dhibaatadu waa taas, marka ay laba xagga dambe fadhiyaan, haddii mid ama labadooduba aanay kubadda baas fiican dhiibi karin, taasi dhibaato weyn ayay abuuraysaa.”