Farsamada Rigoore Tuurista Bruno Fernandes Iyo Jorginho Oo

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ku baaqay in la mamnuuce farsamada rigoore tuurista Bruno Fernandes.

Xiddiga Manchester United ayaa mar walba hakada isagoo booda ka hor inta uusan tuurin kubada marka uu rigoorada laadayo.

Laakiin markii goolhayaha West Brom Sam Johnstone lagu ciqaabay inuu xariiqdiisa ka soo baxay kulankii ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Man United, Ian Wright ayaa sheegay inuu sharciga rigoore tuurista cadaalad aheyn.

Wuxuu ka sheegay barnaamijka BBC ee Match of the Day: “Sharciga wuu ku adag yahay goolhayayaasha.

“Ka dibna waxaad heysataa weeraryahano soo boodaya, sidaas sameynaya iyo wax yaabo kale iyadoo goolhayaha aan loo ogoleyn inuu cagtiisa dhaqaajiyo.

“Waa inay joojiyaan booditaanka, waa inay orod toos ah soo sameeyaan ka hor inta aysan kubada darbeynin. Haddii ciyaaryahanka uu boodi karo islamarkaana aan goolhayaha loo ogoleyn inuu dhaqdhaqaaqo, ma ahan cadaalad.”

Gary Lineker oo barnaamijka daadihiya ayaa Ian Wright weydiiyay: “Ma waxaad soo jeedineysaa in la helo sharci dhigaya inaan la boodin?”

Iyadoo Ian Wright oo 57 sanno jir ah uu ku jawaabay: “Haa, waa inaad si toos ah u soo orodo inta aadan kubada darbeynin, booditaan ma jiro.”

Fernandes ayaa farsamadiisa booditaanka sameeyay markii loo ogolaaday inuu rigoorada dib u tuuro isagoo markaan shabaqa ka soo taabtay goolhayihii hore ee Man United.

Jorginho ayaa sidoo kale adeegsaday farsamdaan intii uu joogay Chelsea inkastoo dhawaan laga xayuubiyay mas’uuliyadiisa rigoore tuurista iyadoo lagu wareejiyay Timo Werner.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More