Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu Solskjaer Sameeyay, Xiddigii

Manchester United ayaa guushii horeysay ee Old Trafford ee xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League waxay xalay ka gaartay kooxda West Brom laakiin waxay aheyd guul ay u dagaalameen iyagoo 1-0 ku badiyay.

Gool rigoore ah uu dhaliyay Bruno Fernandes ayay Manchester United guusha ku gaartay.

XIDDIGA GAROONKA

Sam Johnstone (West Brom) Wuxuu sameeyay seddex badbaadin oo cajiib ah, kuwa kale oo badan ayuu badbaadiyay isagoo sidoo kale ku dhawaaday inuu Bruno Fernandes ka beeniyo rigoorada.

XIDDIGA FASHILMAY EE MAN UNITED

United waxay heysataa weeraryahano aad u fiican oo awooda inay gool dhaliyaan waqti walba. Laakiin waxaa ka maqan xiddig khadka dhexe ah oo awooda inuu dejiyo laxanka ciyaarta, sababtoo ah marka ay ka horimaanayaan kooxaha difaaca xirta ma awoodi karaan inay weerar joogta ah qaadaan.

Nemanja Matic ayaa ahaaa xiddigii ugu liitay garoonka. Waxay aheyd wax la aqbali karay go’aankii uu Solskjaer ku fariisiyay Scott McTominay madaama uu kulamo joogta ah xiriir ah uu dheelay Man United iyo Scotland laakiin inuu ku bedelo Matic waxay aheyd go’aan aad u qaldan.

Madaama ay ka horimaanayeen koox aan weerar badan qaadeynin waxay aheyd inuu Fred ka dhigo burburiyaha khadka dhexe islamarkaana uu soo safo Donny van de Beek oo baasaskiisa wax kaga bedeli karay ciyaarta balse 80 daqiiqo kursiga keydka ku qaatay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Manchester United: De Gea 7, Wan-Bissaka 6, Lindelof 6, Maguire 6, Telles 6, Matic 3, Fred 5, Fernandes 7, Mata 4, Martial 5, Rashford 4.

Bedel: Cavani 6, Van de Beek 6, McTominay 6.

West Brom: Johnstone 9, Furlong 7, Ajayi 7, Bartley 7, Ivanovic 6, Townsend 7, Pereira 6, Sawyers 5, Gallagher 7, Diangana 6, Grant 5.

Bedel: Robson-Kanu 6, Robinson 6, Krajinovic 6.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More