Waa Maxay Sababta Paul Pogba Looga Saaray Liiska Ciyaaryahanadda

Paul Pogba ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka West Brom, taas oo timid xilli ay soo baxayso xurguf u dhaxaysa laacibkan iyo kooxdiisa oo uu toddobaadkii horena warbaahinta cabasho mariyey.

Manchester United ayaa faahfaahin ka bixisay sababta kubbad-sameeyaha reer France aanu Ole Gunnar Solskjaer ugu soo darin liiska icyaartoyda kooxdiisa, xilli uu bandhig fiican kasoo sameeyey kulamadii caalamiga ahaa ee waddankiisa uu usoo ciyaaray.

Ole Gunnar Solskjaer oo la hadlay telefishanka kooxdiisa ee MUTV ayaa waxa uu sheegay in Paul Pogba uu qabo jugo ama dhaawac fudud taas darteedna uu go’aansaday inaanu kusoo darin kooxdiisa kulankan, si aanu u gelin khatar horseedi karta in xaaladdiisu sii xumaato.

Tababaraha reer Norway ayaa go’aansaday inuu dhexda ka wada ciyaarsiiyo Fred iyo Nemanja Matic, isla markaana uu kaydka dhigo Scott McTominay iyo Donny van de Beek, halka Juan Mata uu mar kale booskiisa helay oo uu dhexda hore kala ciyaarayo Bruno Fernandes.

“Paul Pogba wuxuu qabaa jug, waxaanu tababarka kusoo laabtay shalay uun, sidaas darteed diyaar uma noqon karayn kulankan. Waxa aan rajaynayaa inuu caadi noqon doono Salaasada laakiin wali ma garanayo.” Ayuu yidhi Solskjaer.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Ole yidhi: “Wax cudur-daar ah ma samayn karayno. 11-ka ciyaartoy ee aanu kusoo bilownay, waxa laga doonayaa in kasii badan kulankii Everton. Nemanja ayaa beddelay Scott, laakiin Scott, dunida oo dhan isaga ayaa ugu tamaar badan, caadi ayaanu yahay.”

Jamaahiirta Manchester United ayaa markii ay arkeen in shaxda garoonka soo gelaysa iyo inta kaydkaba uu ka maqan yahay Paul Pogba, waxay u qaateen in lagu ciqaabay hadalkii cabashada ahaa ee uu warbaahinta mariyey toddobaadkii hore.

Xiddiga reer France ayaa isaga oo xulka qarankiisa la socday waxa uu sheegay inuu ku jiro waqtigiisii ugu adkaa intii uu xirfadda kubadda cagta kusoo dhex-jiray, isagoo ciyaarihii waddankiisana ku tilmaamay inay nefis ka siinayaan culayskii ku haystay Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More