Tottenham & Mourinho Oo Dhulka Jiid-jiiday Man City &

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham ayaa guul dahabi ah ka gaadhay Manchester City oo ay kusii kordhiyeen dhibaatadii ay hore ugu dhex jirtay, waxaanay ku garaaceen 2-0.

Tottenham ayaa si ku-meelgaadh ah la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay kala wareegtay Chelsea oo saacado kooban ka talinaysay figta ugu sarraysa.

Gool uu waqti hore u dhaliyey Son Heung-min iyo mid uu qaybtii labaad ugu daray Lo Celso ayaa Tottenham siiyey guusha ay ka gaadhay Manchester City.

Spurs ayaa hoggaanka horyaalka ku qabatay 20 dhibcood oo ay ka heshay sagaal kulan oo ay ciyaartay, waxaana laba dhibcood ka sare martay Chelsea oo kaalinta labaad u degtay kaddib saacado maanta ahaa oo ay hoggaanka haysay.

Tottenham waxay lumin doontaa hoggaanka haddii ay Leicester City ay berri ka badiso Liverpool oo ay ugu tegayso Anfield, haddii kale waxay Mourinho iyo kooxdiisu sii xajisan doonaan hoggaanka.

Manchester City ayaa iyaduna hoos ugu sii dhacday kaalinta 10aad ee horyaalka Premier League oo ay hoos uga sii degi doonaan haddii ay badiyaan kooxaha ka dambeeya. City waxay leedahay 12 dhibcood oo ay ka heshay siddeed ciyaarood iyadoo goolasha laga dhaliyeyna ay ka badan yihiin inta ay dhalisay (-1 ayay ku jiraan).

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Joao Cancelo; Kevin De Bruyne, Rodri, Bernardo Silva; Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Ferran Torres.

MANCHESTER CITY Kaydka: John Stones, Raheem Sterling, Ilkay Gundogan, Sergio Aguero, Zack Steffen, Phil Foden, Eric Garcia.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Eric Dier, Sergio Reguilon; Moussa Sissoko, Pierre-Emile Hojbjerg; Steven Bergwijn, Tanguy Ndombele, Son Heung-min; Harry Kane.

Kaydka: Gareth Bale, Joe Hart, Joe Rodon, Giovani Lo Celso, Lucas Moura, Ben Davies, Carlos Vinicius.

Jose Mourinho ayaa laba isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray West Brom ee uu ku garaacay kulankii ugu dambeeyey. Gareth Bale ayuu kaydka u tuuray, waxaanu kusoo beddelay Bergwijn, halka Aurier uu difaaca midig ka beddelay Matt Doherty oo xanuunka Korona uu ku dhacay.

Guardiola ayaa isaguna hal beddel oo kaliya ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Liverpool kulankii barbarraha, waxaanu kaydka dhigay Raheem Sterling oo taam ahaansho buuxa aan u ahayn ciyaartan, waxaana booskiisa yimid Mahrez, balse Sergio Aguero ayaa isaguna kaydka kusoo bilowday.

Ferran Torres ayaa ka naxsaday difaaca Tottenham waxaanu daqiiqaddii labaadba orod ka sameeyey garabka iyadoo uu kubbad ka helay Silva, laakiin Alderweireld ayaa kubadda isku dhigay.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Son ayaa hoggaanka u dhiibay Tottenham daqiiqaddii shanaad ee ciyaarta. Laacibka reer Korea ayaa si xarrago leh u dhamaystiray kubbad uu usoo farsameeyey Ndomblele, waxaanu kubbadda si fiican ugu hubsaday goolka.

Harry Kane ayaa daqiiqaddii 13aad gool kale u dhaliyey Tottenham, laakiin marka ay kubaddu shabaqa taabatayba, waxa taagnaa calanka dhinaca  oo tilmaamayay Offside.

Manchester City ayaa kaga jawaabay fursad laag xor ah kaddib markii uu Hojbjerg qalad ku galay Jesus. De Bruyen ayaa kubadda kusoo dhex-tuuray ciyaartoyda, waxaana madax awood badan ku qabtay Rodi, hase yeeshee waxay kubaddu si toos ah ugu tagtay goolhaye Lloris.

Manchester City ayaa uu goolka barbarraha u dhaliyey difaaca reer France ee Laporte, hase yeeshee waxa goolkan laga soo daawaday VAR oo xukuntay in meesha laga saaro, sababtoo ah, Gabriel Jesus oo kubadda usoo dhiibay ayaa gacan ku qabsaday.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guusha la nasatay Tottenham, laakiin markii la iskugu soo noqday ayay Manchester City bilowday dardar iyo dedaal badan.

Kevin de Bruyne ayaa kubbad baas ah la ciyaaray Jesus, waxaanay fureen weerar degdeg ah, waxaase ku dhowaa Dier oo jidka ka gooyey kubadda oo ku socota goolhaye Lloris oo ay hortiisa ku beegnayd.

Jose Mourinho ayaa culayska kooxdiisa lagu hayay waxa uu kaga falceliyey inuu isbeddel ku sameeyo khadka dhexe, waxaanu saaray gool-caawiyihii reer France ee Ndomblele oo uu kusoo beddelay laacibka reer Argentina ee Lo Celso.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Los Celso ayaa taabashadiisii ugu horreysay ee isla daqiiqaddii uu soo galay goolka labaad u dhaliyey Tottenham, waxaana kubbad uu ka helay Harry Kane uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka yahay Ederson oo uu dhinac midig ee hoosta ah ka galiyey.

Lo Celso ayay ku qaadatay inuu goolkan dhaliyo 35 ilbidhiqsi oo kaliya oo uu garoonka ku jiray, waxaanu noqday ciyaartoygii beddelka kusoo galay ee goolkii ugu degdegga badnaa ka dhaliya Premier League tan iyo intii ka dambaysay Bernardo Silva oo August 2019kii ay 17 ilbidhiqsi ku qaadatay inuu gool ka dhaliyo Brighton.

Pep Guardiola ayaa laba beddel oo degdeg ah sameeyey, waxaanu keenay Sterling iyo Foden si ay usoo nooleeyaan kooxdiisa labada gool lagala hormaray.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay Tottenham guushu ku raacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More