Newcastle vs Chelsea – Blues Oo Hoggaanka Horyaalka Saacado

Chelsea ayaa heli doonta fursad ay si ku-meelgaadh ah ugu qabato hoggaanka horyaalka Premier League, marka ay Newcastle United ugu tagto garoonka St James’ Park duhurnimada maanta.

Tababare Frank Lampard ayay kooxdiisu kasoo boodi kartaa kaalinta shanaad, isla markaana  soo fadhiisan kartaa booska koowaad laakiin waa haddii ay guul ka keenaan garoonka ay ku dhibaatoonayeen xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey.

Chelsea ayaa kusoo guuleysatay shan ka mid ah toddobadii icyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee ay iska hor yimaaddeen Newcastle, laakiin hal mar oo kaliya ayay soo guuleysatay toddobadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay u safartay St James’ Park, kuwaas oo shank a mid ah laga soo badiyey waxaana ku jirtay guul-darradii xili ciyaareedkii hore ee 2019-20.

Tababare Frank Lampard, si ay ugu suurtogasho inuu si ku meelgaadh ah ugu fadhiisto figta sare, isla markaana ka rajo sugo natiijada kooxaha hadda ka horreeya ee uu ka sare marayo maadaama ay ciyaarta kooxdiisu kasoo horreynayso, waxay tahay inuu guul ka keeno Newcastle, sidoo kalena uu ku ducaysto in la qabto dhamaan naadiyada ka horreeya.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League oo aan marnaba laga badinin iyo siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada oo aan dhinacooda dhulka la dhigin, Chelsea  waxay u muuqataa inay jaanta isla heshay oo saxeexyadii cusbaa ay saldhigeen Stamford Bridge.

Waxa intaas u dheer inay yihiin hoggaamiyeyaasha horyaalka ee dhinaca golasha, waxaanay shabaqa taabsiiyeen 20 gool siddeed ciyaarood gudahood, waxaana si wanaagsan jiibta iyo jaanta iskula helay saxeexyadii cusbaa iyo xiddigihii hore usii joogay naadiga.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Newcastle vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 3:30pm

Garoonka: St James’ Park

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Kai Havertz ayaa kasoo kabtay xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay, waxaanu dib ugu soo laabtay tababarka balse lama filayo inuu shaxda koowaad kusoo bixi doono, sababtoo ah, taam ahaanshihiisa jidheed oo aan halkii ugu sarraysay gaadhsiisnayn, taas beddelkeedana wuxuu ku jiri doonaa kaydka.

Frank Lamkpard waxa kale oo uu shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaartan uu ku xaqiijiyey inuu kulanka maanta  ka dhaawacan yahay Christian Pulisic oo aanu qayb ka noqon doonin, sidoo kalena Thiago SIlva uu ka dalbatay in la nasiyo maadaama uu kasoo laabtay safar dheer oo uu Khamiistii oo

Laakiin Blues waxay rajo ka qabtaa in Ben Chilwell uu ugu soo bilowdo, isagoo kasoo kabtay jugtii kasoo gaadhay kulankii England iyo Iceland.

Timo Werner oo toddoba gool dhaliyey ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo, isla markaana uu sii wato rikoodhkiisa ah inuu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Chelsea ah ee shan ciyaarood oo isku xigta goolal dhaliya tan iyo November 2009 oo uu sidaas oo kale sameeyey Didier Drogba. Laacibka reer Germany ayaa sidoo kale noqday ciyaartoygii afraad ee Jarmalka u dhahsya ee saddex kulan oo Premier League oo xidhiidh ah goolal ka dhaliya.

Kooxda garoonkeeda joogta ee Newcastle, waxa ka dhaawacan tiro ciyaartooyo ah, sida Jongo Shalvey, Dwirght Gayle, Martin Dubravka, Ryan Fraser, Paul Dummett iyo Matt Ritchie oo dhamaantood la filayo inaanay ciyaartan fursad u helaynin.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Newcastle United pos: Darlow; Murphy, Schar, Lascelles, Fernandez, Lewis; Hendrick, Hayden, S Longstaff; Joelinton, Saint-Maximin

Chelsea: Mendy; James, Zouma, Rudiger, Chilwell; Kovacic, Kante, Mount; Ziyech, Abraham, Werner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More