Arsenal Oo Noqoneysa Kooxda Afrika, Bilyaneer Nigeria Ah Oo
Bilyaneerka u dhashay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Orji Kalu ayaa shaaciyay inuu doonayay inuu iibsado boqolkiiba 35 saamiga kooxda Arsenal.
Gunners ayaa dib uga dhacay Manchester City, Chelsea iyo Liverpool marka laga hadlayo dhanka dhaqaamaha tan iyo markii ugu danbeysay ee ay ku guuleysteen horyaalka Premier League.
Si kastaba kooxda ayaa taageerayaal badan ku leh Nigeria tan iyo markii uu Nwankwo Kanu ku biiray sannadkii 1999, iyadoo Alex Iwobi, Chuba Akpom iyo Bukayo Saka ay ka sii ciyaarayeen Emirates Stadium.
Haatan Kalu oo ah senator, ganacsade iyo milkiile wargeys oo hantidiisa lagu qiyaasayo bilyan doolar ayaa sheegay inuu doonayo inuu maalgashi weyn ku sameysto kooxda Waqooyiga London ka dhisan islamarkaana uu ku soo celiyo waayihii guulaha.
Mana noqon doono markii ugu horeysay ee uu maalgashi ku sameysto kubada cagta.
Kalu ayaa milkiile ka soo noqday kooxda reer Nigeria ee Enyimba FC isagoo ka caawiyay inay qabsadaan kubada cagta dalkaas.
60 jirkaan ayaa ku dhawaaqay: “Guulaha aan la gaaray Enyimba FC intii u dhaxeysay 2000 ilaa 07 ayaa sarre u sii qaaday xamaasada aan u hayo kubada cagta.
“Madaama kubada cagta ay tahay tiirka isboorti ee Africa, waxaan ka fiirsanayaa inaan maalgashi ku sameysto kubada cagta, waxaan iibsan doonaa boqolkiiba 35 saamiga kooxda Arsenal FC.
“Hamigeena waa inaan kor u qaadno Champions League iyo Premier League iyo inaan maalgashi qiimo leh ku sameyno kooxda.
“Waxaan u baahanahay boqolkiiba 35 saamiga Arsenal si aan koobabka ugu soo celiyo kooxda.”