Cesc Fabregas Oo Shaaciyay Tababaraha Uu Saaxiibka La Yahay

Xiddiga khadka dhexe ee Monaco Cesc Fabregas ayaa sheegay inuu saaxiib la yahay tababarihiisii hore ee Chelsea Jose Mourinho halka uusan wax xiriir ah la laheyn macalinkiisii hore ee Barcelona Pep Guardiola.

Fabregas oo 33 sanno jir ah ayaa hal xilli ciyaareed ka hoos ciyaaray Guardiola markii ay wada joogeen Camp Nou ka hor inta uusan Guardiola kooxda ka tagin xagaagii 2012.

“Maya, maya, wax xiriir ah gabi ahaanba nagama dhaxeeyaan Pep” ayuu Fabregas u sheegay Radio Cataluna markii la weydiiyay haddii uu saaxiib la yahay Guardiola.

“Ma garanayo haddii niyadjabka aan ka qabo Pep uu isna ii qabo. Waxyaabo ayaa ina dhexmaray laakiin ma doonayo inaan ka hadlo. Pep wuxuu ahaa nin aan ku daydo ilaa iyo yaraanteydii. Wax badan ayaan ka bartay isaga tan iyo markii aan afar sanno jir ahaa.”

Fabregas ayaa weli xiriir la leh macalinka Tottenham Jose Mourinho.

Wuxuu ka hoos ciyaaray Mourinho muddo 19 bilood ah markii ay wada joogeen Stamford Bridge ka hor inta aan tababaraha la ceyrinin bishii December 2015.

“Mourinho ayaa si weyn ii dhiirogeliyay markii aan ka tagay Barcelona” ayuu yiri.

“Wuxuu ii sheegay inay dhibaato na dhextaalay markii uu joogay Chelsea anigana aan joogay Arsenal iyo markii uu ahaa tababare Real Madrid ana aan joogay Barcelona, laakiin isaga halkaas ayuu qilaafkeena ku ilaaway. Bog cusub ayaan furanay.

“Wuxuu ii sheegay qorshihiisa. Waxaan ku qasbanaa inaan aado meesha aan islahaa waa ay kuu fiican tahay, go’aanka aniga ayaa iska lahaa ee kuma xirneyd waxa ay dadku dhahayeen. Waxaan ka eegay dhanka xirfadeyda, ilaa iyo maanta fariimo ayaan u qoraa Mourinho, waxaana u texgeliyaa inuu yahay saaxiibkeey.

“Wax badan ayuu i caawiyay anigoo ku jira waqtigii ugu adkaa ee waayaheyga ciyaareed, xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa abid isaga ayaan ka hoos ciyaaray.”

Fabregas ayaa Copa del Rey la qaaday Barcelona markii uu Guardiola macalin u ahaa halka Mourinho ay isla qaadeen Premier League iyo Carabao Cup.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More