Brazil Oo U Dabaaldegtay Xasuuqii Ay Spain U Geysatay Xulka
8dii bishii July sannadkii 2014, Brazil iyo Jarmalka ayaa ku kulmay semi-finalka Koobka Adduunka. Brazil oo uu ka maqnaa Neymar ayaa gurigooda kula ciyaarayay mid ka mid ah xulalkii loo saadaalinayay guusha Koobka Adduunka.
Saadaasha waxay aheyd in kulan la isku dhow yahay la ciyaari doono, laakiin kulanka ayaa isku bedelay mid qarow ku riday malaayiin dad ah oo ku nool dalka ku waalan kubada cagta.
30kii daqiiqo ee ugu horeysay ee ciyaarta, Brazil waxaa lagu hogaaminayay shgan gool. Natiijada kama danbeysta ah waxay noqotay 7-1 oo ay Germany ku xasuuqday Brazil oo gurigeeda joogta iyadoo weliba la ciyaarayo koobka ugu weyn Dunida.
Muller, Klose, Khedira, labo jeer Kroos iyo labo jeer Schurrle ayaa qalbiga ka jabiyay dalka. Oscar ayaa gool soo celiyay dhamaadkii ciyaarta laakiin Brazil si xun ayaa loo dilay.
Tan iyo markaas, Brazil waxay sugayeen inay arkaan jabka Jarmalka, xasuuqii xalay Germany ka soo gaaray Spain ayaana noqotay fursadii ugu horeysay ee ay ku qoslaan xulka Jarmalka.
La Roja ayaa guuldaradii ugu xumeyd ee muddo ka badan nus qarni dhabarka u saarisay xulka Jarmalka.
TV-ga Brazil Esporte Interativo oo lahaa xuquuqda baahinta kulankaan ayaa si aan hore loo arag ugu dabaaldegay xasuuqa ay Spain u geysatay Jarmalka iyagoo goolkii lixaad ee ay Twitter ku soo qoreen u isticmaalay qosol tiro badan.
HAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHA!HAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHA!HAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHA!HAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHAHA!HAHAHAHAHAHAHAHAHAHA pic.twitter.com/NjZtaLpgtt
— Esporte Interativo (de ?) (@Esp_Interativo) November 17, 2020