50ka Kooxood Ee Ugu Qanisan Dunida Oo La Magacaabay, Ingiriiska Oo 18
Waxa lasoo saaray 50ka kooxood ee ugu qanisan dunida waqtigan, waxaana tirada ugu badan ku yeeshay Ingiriiska oo 18 ka mid ah 20ka kooxood ee horyaalka Premier League uu ka kooban yahay ay ugu jiraan.
- Advertisement -
Manchester City ayaa sare usoo kacday oo kusoo dhowaatay saddexda ugu sarreeya, iyadoo soo gashay kaalinta afraad. Kooxdan oo sannadkii 2008 uu la wareegay Sheikh Mansour ayaa la geliyey lacag badan, waxaanay kusoo jirtay waqtiyo guulo ah iyadoo suuqa kasoo qaadata ciyaartoyga ay u baahan tahay xilli aanay walwal ka qabin dhinaca lacagta iyo qiimihiisa.
Shabakadda Branddirectory ayaa soo saartay 50ka kooxood ee ugu qiimaha badan, waxaanay City oo ku jirta kaalinta afraad ay ku qiimaysan tahay $1.31 bilyan, halka lix ka mid ah kooxaha Premier League ay ku jiraan tobanka naadi ee ugu qiimaha badan.
Real Madrid ayaa kaalinta koowaad ku jirta, waxaana ku xigta Barcelona oo ay ka wada dhisan yihiin Spain. Labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester City iyo Manchester United ayaa soo raaca oo saddexaad iyo afraad ah, halka Bayenr Munich iyo Paris Saint-Germain ay shanaad iyo toddobaad kala fadhiyaan.
Horyaalka Talyaaniga ayaa hoos u dhac weyni ku yimid, waxaanay ka maqan yihiin tobanka sare oo aanay waxba ku lahayn, taas oo soo afjartay tobannaan sannadood oo ay Juventus, Milan iyo Inter kasoo muuqanayeen tobanka sare.
Juventus oo uu hormood u yahay Cristiano Ronaldo waxay ku jiraan kaalinta 11aad, waxaanay kasii dambeeyaan Tottenham iyo Arsenal.
Halkan kaga bogo liiska 50ka kooxood oo dhamaystiran:
50. Mainz
49. Lazio
48. Celtic
47. Werder Bremen
46. Marseille
45. FC Koln
44. Villarreal
43. Athletic Bilbao
42. Brighton & Hove Albion
41. Benfica
40. Leeds United
39. AS Roma
38. Watford
37. Burnley
36. Hoffenheim
35. Southampton
34. Valencia
33. Zenit St Petersburg
32. Napoli
31. Wolverhampton Wanderers
30. Aston Villa
29. AC Milan
28. Crystal Palace
27. Lyon
26. Bayer Leverkusen
25. Eintracht Frankfurt
24. Ajax
23. Sevilla
22. Newcastle United
21. Borussia Monchengladbach
20. Schalke
19. Wolfsburg
18. West Ham United
17. Leicester City
16. RB Leipzig
15. Everton
14. Inter Milan
13. Atletico Madrid
12. Borussia Dortmund
11. Juventus
10. Arsenal
9. Tottenham Hotspur
8. Chelsea
7. Paris Saint-Germain
6. Liverpool
5. Bayern Munich
4. Manchester City
3. Manchester United
2. Barcelona
1. Real Madrid