Zidane Miyuu U Wel-welsan Yahay Mustaqbalkiisa , Sababtii
Zinedine Zidane ayaa sheegay in inta badan kulamada Real Madrid ee dhawaanahan ay la mid yihiin finaladii, laakiin kulanka habeenka talaadada ee ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda Inter ayaa noqon karta wado loo maro in lagu go’aamiyo in Los Blancos ay u soo bixi karto wareega 16ka Champions League iyo in kale.
- Advertisement -
Tababaraha Benfica Jorge Jesus ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee la xiriirinaya kooxda weyn ee La Liga ee Barcelona iyo Darwin Nunez.
Nunez wuxuu noqday saxiixii ugu qaalisanaa ee Benfica markuu ka yimid Almeria heshiis dhan 24 million bishii September.
21 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa akoonkiisa ku furay seddexleeydii uu ka dhaliyay Europa League bishii la soo dhaafay, halka ciyaaryahanka reer Uruguay uu dhaliyay afar gool tartamada oo dhan.
Maalmihii David Alaba ee Bayern Munich waxay umuuqdeen kuwo dhamanaya, inkastoo uu yahay ku guuleystihii Champions League ee ku guuldareystay inuu heshiis cusub la gaaro kooxda reer Jarmal.
Xaqiiqdii, maalmihii ugu dambeeyay waaye, madaxweynaha Bayern Herbert Hainer wuxuu go’aansaday inuu ka laabto heshiiska cusbooneysiinta Alaba, ka dib markii dhowr jeer la isku dayay in la afjaro heshiiskan ninka reer Austria.
“Waxaan u soo bandhignay dalab aad iyo aad u fiican oo cadaalad ah, tartana uu ku gali karo gaar ahaan xilliyadan,” ayuu Hainer u sheegay shabakadda BR24Sport. “Waxaan u sheegnay wakiilka David intii lagu gudajiray kulankii ugu dambeeyay inaan doonayno cadeyn iyo jawaab dhamaadka Oktoobar, sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan qorsheyno boos muhiim ah. Laakiin waxba kamaanaan maqal.”
Warar laga helaayo Jarmalka gudahiisa, ayaa sheegaya in Alaba uu doonayo inuu kasbado 20 milyan oo euro xilli ciyaareedkan si uu ula jaanqaado sida Robert Lewandowski iyo Manuel Neuer, halka Bayern ay kaliya dooneysay inay siiso xili ciyaaredka 11 milyan oo euro oo lagu daray lix milyan oo euro oo gunno ah. Hainer oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Agaasimaheena isboortiga Hasan Salihamidzic ayaa ka dib wuxuu la xiriiray wakiilka jawaabtuna waxay ahayd dalabkan wali kuma qanacsanin waana inaan ka sii fikirnaa
“Kadib waxaan go aansanay inaan dalabka ka qaadno miiska gebi ahaanba. Taasi waxay ka dhigan tahay inuusan jirin wax dalab ah oo dambe.” tani waxay u badan tahay inay Alaba ka tago Bayern markii qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xili ciyaaredka, ama laga yaabo in qiimo jaban laga fasaxo bisha Janaayo.
Soo bixitaanka Alphonso Davies ee daafaca bidix ayaan sidoo kale ka caawin kiiskiisa, iyadoo Canadian-ka uu booskaan iska dhigay ka dib markii Hansi Flick uu qabtay xilka xilli ciyaareedkii hore.