YAAB: Maxay Xiddigaha City Ku Arkeen? Barcelona Oo SHAN Xiddig Oo Kale

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay shan xiddig oo kale oo ka tirsan dhigeeda Manchester City bartilmameed ka dhiganayso.

- Advertisement -

Kooxda horyaalka La Liga ka ciyaarta ayaa durtaba Sergio Aguero iyo Eric Garcia kala saxeexatay Man City, laakiin kaddib markii ay seegeen Georginio Wijnaldum Barca ayaa shan xiddig oo kale ka rabta City sida ay warbixino cusubi xusayaan.

Sida ay sheegayaan warsidayaasha ree Spain ee El Chiringuito iyo Sport, tababare Ronald Koeman ayaa doorka uu u waayay Wijnaldum u doonaya Ilkay Gundogan oo xilli ciyaareed heer sarre ah soo qaatay.

El Chiringuito ayaa intaas ku daraya in Barcelona ay la kulantay wakiilada xiddigaha kala ah Gundogan iyo Ilkay Gundogan.

Intaas waxa dheer in wariyaha Sky Sports balse fadhigiisu yahay magaalada Madrid ee Matteo Maretto uu xusayaa in sidoo kale Blaugrana ay bar-tilmaameed ka dhiganayso Raheem Sterling.

Sport ayaa dhinaciisa kaga daraya in xiddigaha kale ee ay Barca ka calmatay City ay yihiin daafaca dhexe ee Aymeric Laporte oo dhawaan Spain dhalasho u qaatay iyo weeraryahan Gabriel Jesus.

Baarcelona ayaa doonaysa inay boosas tiro badan iska soo xoojiso kaddib markii ay xilli ciyaareed qalbi-jab leh soo dhammaysatay.

Mahrez ayaa kaabis u noqon kara Lionel Messi amaba u ogolaan kara in xiddiga ree Argentina loo wareejiyo khadka dhexe ee garoonka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More