YAAB: Halkan Dadka Sharfta Leh Ayaa Loogu Talo-galaye Na-Dhaaf!! Wixii
Sir Alex Ferguson ayaa waqti hore yimid garoonka Wembley si uu u daawado kulanka xulka qarankiisa Scotland iyo England ee tartanka qaramada Yurub, waxaase uu la kulmay wax aanu filaynin, kaddib markii loo diiday in baabuurkiisa uu dhigto qaybta VIP-da ee baarkinka garoonka Wembley.
- Advertisement -
Halyeyga Manchester United ayaa yimid Wembley si uu qarankiisa u taagoo, waxaanay ku qaadatay in garoonka uu soo gaadho muddo afar saacadood ah isagoo kalidii watay baabuurkiisa.
Ferguson ayaa filayay in roog cas loo dhigo oo si fiican loo soo dhoweeyo maadaama uu yahay tababaraha ugu wanaagsanaa taariikhda Manchester United iyo Ingiriiskaba kaddib guulihii uu gaadhsiiyey Manchester United, laakiin taasi may dhicin.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sawirro ka qaadday askari ku amraya Ferguson in uu hore u socdo oo aanu gelin qaybta VIP-da ee baarkinka baabuurta la dhigto ee garoonka Wembley, waxaana baraha bulshada ka bilaabantay dood ah cidda ka mudan Sir Alex Ferguson ee ay tahay in loo ogolaado baarkinkaas.
Sir Alex Ferguson ayaa daaqadda baabuurkiisa dejiyey, waxaanu si toos ah ula hadlay askariga oo uu weydiiyey sababta loogu diidayo, ka hor intii aanu dhaqaaqin ee aanu meel kale dhiganin baabuurka.
Sir Alex Ferguson oo shaqada tababarenimada ka fadhiistay 2013 kaddib 17 horyaal oo uu u qaaday Manchester United, waxa uu ka hor United soo layliyey kooxda Aberdeen ee ka dhisan Scotland oo sannadkii 1983 uu u qaaday European Cup.
79 jirkan ayaa tababare u noqday xulka qaranka Scotland sannadkii 1985kii, waxaase uu iska casilay markii ay usoo bixi waayeen koobka adduunka, waxaana sannadkii xigay ee 1996kii loo magacaabay tababaraha Manchester United oo uu hoggaaminayay illaa 2013.