YAAB: Gary Neville Oo Shaqsiga Ay Jamaahiirta England Eeda Ugu Badan
Xiddigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ku sifeeyay hantida ugu weyn ee uu haysto xulkaasi.
- Advertisement -
England ayaa shalay guul 1-0 ah ku furtay tartanka Euro 2020 iyaga oo gool ay ka heleen Raheem Sterling kaga adkaaday Croatia oo ahaa xulkii ka reebay koobka aduunka saddex sano kahor.
Southgate ayaa kulankaas ka sameeyay wicitaano layaab leh sida inuu daafaca bidix u adeegsaday Kieran Trippier isaga oo haysta daafacyo bidix oo fiican, inuu Kalvin Phillips kusoo bilaabay iyo inuu Sterling kasoo horreysiiyay Jack Grealish.
Phillips iyo Sterling ayaa difaacay xulashada tababarahooga iyaga oo goolka iska caawiyay, Neville oo hadlay kahor kulankii Netherlands iyo Ukraine ee xalay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanada macalinka xulka saddexda libaax.
Gary Neville oo 50 sano jirkaas amaanaya ayaa yidhi “Waan la yaabanaa in Trippier uu daafaca bidix ka ciyaarayo laakiin uma yaabin qaab shaki leh”
“Uma malaynayo inuu jiro qof kamid 65-ka Milyan ee dadka ree England kaas oo dooran lahaa shaxda uu maanta doortay”
“Waxaan filayaa inuu kulankaas si aan la rumaysan karin u maamulay maanta (Shalay), waxaan filayaa inuu Southgate yahay hantidayada ugu weyn”