Xiddigii Garoonka Oo La Siiyey Laacib Aanad Filaynin, Rikoodhadii La

Actual Madrid iyo Chelsea ayaa barbarro ku dhamaystay lugta hore ee semi-finalka Champions League iyadoo koox waliba heshay hal gool oo qaybtii hore dhashay.

- Advertisement -

Chelsea ayaa daqiiqaddii 14aad uu gool u dhaliyey Christian Pulisic iyadoo uu goolhaye Courtois kubadda ugu sii gooyey xerada ganaaxa kaddibna ku toogtay goolka oo Varane iyo Nacho ay dhex-taagan yihiin.

Karim Benzema ayaa barbarreeyey daqiiqaddii 29aad isagoo dhaliyey mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana kubbad uu Marcelo bannaanka kasoo tuuray madax kusoo celiyey Casemiro, waxaana mar kale madax  lasii helay Militao. Kubadda oo u tagay Benzema ayuu shafka ku maamulay, kaddibna wuxuu ku qabtay lugta midig isagoo dhinaca qaldan usii jeeda, waxaanay kubaddu dib ugu noqotay goolka Chelsea oo ay shabaqa ruxday.

Rikoodhadii kulanka

Tuchel ayaa sii wata rikoodhkiisa shaqsiga ah ee uu ka haysto Actual Madrid, waxaana shan jeer oo uu ka hor-tegay oo dhamaantood ahaa tartanka Champions League uu ka badbaaday guul-darro. Afar jeer Tuchel iyo kooxihiisa ayaa barbarro la galay Actual Madrid, mar kalena waabu ka badiyey. (Afar barbarro ah iyo mar uu Tuchel badiyey). Waa tababarihii ugu horreeyey ee taariikhda  shan mar oo uu waajahay Actual Madrid aan marna laga badin.Chelsea ayaa ku guul-darraysatay in ay badiso dhamaan siddeed jeer oo ay ciyaartay semi-finalka Champions League. Shan mar ayay barbarro gashay, saddexna waa laga badiyey.Benzema ayaa dhaliyey goolkiisii 71aad ee tartanka Champions League, waxaanu noqday ciyaartoygii afraad ee ugu goolasha badnaa taariikhda tartankan. Waxay isku mid noqdeen halyeygii Actual Madrid ee Raul. Kaliya Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iiyo Robert Lewandowski ayaa ka goolal badan.Pulisic ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Chelsea gool u dhaliya semi-finalka Champions League, waxaana caawa uu jiraa 22 sannadood iyo 221 maalmood.Xiddigii garoonka

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta, waxaana uu ruug-caddaagani u babbac-dhigay weeraryahannada Actual Madrid isagoo sidoo kalena ka shaqaynayay khadka dhexe.

Ciyaaryahanadda Chelsea ayaa dhamaantood ahaa kuwo wanaagsan, waxaan Silva oo qiimayntiisu ahayd darajada 8 la mid ahaa Kante iyo Pulisic.

Actual Madrid ayaa dhinaceeda ay qiimayntan oo kale heleen Courtois iyo Benzema.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Actual Madrid: Courtois (8), Marcelo (6), Nacho (6), Militao (7), Varane (7), Carvajal (6), Casemiro (6), Modric (6), Kroos (6), Vinicius (6), Benzema (8)

Beddelka: Hazard (6), Asensio (6)

Chelsea: Mendy (7), Azpilicueta (7), Christensen (7), Rudiger (7), Silva (8), Chilwell (7), Jorginho (7), Kante (8), Mount (7), Werner (6), Pulisic (8)

Beddelka: Havertz (7), Ziyech (7), James (7)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More