Xiddigii Ay Ku Dagaallamayeen Bayern Munich Iyo Barcelona Oo
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Barcelona ayaa lagu sawiray difaaca kooxda Ajax ee Sergiño Dest oo kasoo degay, halkaas oo uu sawirro iyo muuqaal kooban kaga duubay wariye Alfredo Martinez Salaasadii shalay.
- Advertisement -
Sergiño Dest oo ay si weyn ugu loollameen Barcelona iyo Bayern Munich, isla markaana ay kooxda reer Germany tilmaantay in la khiyaameeyey ayaa lacag lagu qiyaasay 25 milyan oo Euro waxa uu ugu wareegayaa Barcelona, taas oo soo afjaraysa muddo uu ka mid ahaa ciyaartoyda Ajax.
19 jirkan ayaa qalinka ku duugi doona heshiis rasmi ah oo uu u saxeexayo Barcelona marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka oo uu ku marayo Spain.
Sida ay sheegtay warbaahinta Mundo Deportivo, Barcelona ayaan hadda wada bixin doonin lacagta 25ka Milyan ee Euro ee ay Sergiño Dest kula soo wareegtay, maadaama ay ka cabanayso dhaqaale xumo ba’an oo kasoo gaadhay aafada Korona Fayras, laakiin kooxda reer Netherlands ayaa waqtigan heli doonta qayb ka mid ah lacagta, halka inta kalena dib laga siin doono.
Warku waxa uu sheegay in labada kooxood ay isla qaateen qiimaha ciyaartoygan oo ay heshiis buuxa ka gaadheen, laakiin Ajax ay ka biyo diidsan tahay in lacagta ay Barcelona qayb ka mid ah dib u dhigto.
Sergiño Dest ayaa doonayay inuu ku biiro Barcelona, waxaanu dabada ka riixayay in Ajax ay ogolaato dalabka kooxda reer Spain, isla markaana aan loo jeedsanin dhinaca Bayern Munich oo ku eedaysay labada kooxood ee hadda laacibkan kala iibsanaya inay khiyaano uskagnimo ku jirto la ciyaareen.
19 jirkan ayaa Barcelona u beddeli doona Nelson Semedo oo u wareegay naadiga reer England ee Wolverhampton.