Xiddiga Ugu Wanaagsan Koox Kasta Oo Premier League Ah Oo La Magacaabay

Xilli ciyaareedka 2020/21 ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa gunaanadkiisa la isku diyaarinayaa, waxaana laba ciyaarood kaddib ay kooxuhu soo afjari doonaan xilli ciyaareedkooda oo mid walba xaalad u gaar ah ugu dhamaanaya.

- Advertisement -

Horyaalka oo ay ku guuleysatay Manchester Metropolis, sidoo kalena la xaqiijiyey saddexda kooxood ee u dhacaya heerka labaad oo noqday Sheffield United, West Brom iyo Fulham, waxa uu wali dagaal ka taagan yahay kaalmaha saddexaad iyo afraad ee labada naadi ee Champions League usoo raaci doona Manchester Metropolis iyo Manchester United.

Sidoo kale, waxa dagaal ku jira dhawr kooxood oo u dagaallamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen kooxaha ka ciyaari doona tartanka Europa League ee xilli ciyaareedka dambe.

Waxa kale oo hadhsan, xiddiga horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, kooxda sannadka iyo boos walba laacibka ugu fiican.

Intaas oo dhan kaddib, waxa kale oo jiri doona in koox walba ay magacaabi doonto xiddigeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka dhamaaday.

Haddaba, ma qiyaasi karaysaa ciyaartoyga ugu fiican naadigaaga xilli ciyaareedkan?

Xog ururin la sameeyey ayaa kasii jawaabtay su’aashan, waxaana halka ugu xaasaasisan ay ka taagan tahay Manchester Metropolis oo Kevin de Bruyne lagala baxay xiddignimada sannadkan ee kooxdiisa  iyo midka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ee abaal-marinta PFA ee uu sannadkii hore qaatay.

Difaaca reer Portugal ee Ruben Diaz ayaa ah ciyaartoyga ugu wanaagsan Manchester Metropolis sannadkan, sidoo kalena Manchester United ayaa shaki la’aan uu xiddigeeda yahay Bruno Fernandes, halka Arsenal uu Alexandre Lacazette kasoo hormarayo Bukayo Saka iyo Liverpool oo uu Mohamed Salah hormood u noqonayo.

Waa kan xiddigaugu wanaagsan koox walba oo Premier League?

Arsenal: Alexandre Lacazette

Aston Villa: Jack Grealish

Brighton & Hove Albion: Yves Bissouma

Burnley: James Tarkowski

Chelsea: Mason Mount

Crystal Palace: Wilfried Zaha

Everton: Dominic Calvert-Lewin

Fulham: Alphonse Areola

Leeds United: Stuart Dallas

Leicester Metropolis: Wilfred Ndidi

Liverpool: Mohamed Salah

Manchester Metropolis: Ruben Dias

Manchester United: Bruno Fernandes

Newcastle United: Callum Wilson

Sheffield United: David McGoldrick

Southampton: James Ward-Prowse

Tottenham Hotspur: Harry Kane

West Bromwich Albion: Matheus Pereira

West Ham United: Tomáš Souček

Wolverhampton Wanderers: Pedro Neto

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More