Xiddiga Man United Fred & Jurgen Klopp Oo Kuwada Qoslay
Labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United ayaa ku riyaaqay guulo Champions League ah todobaadkan.
- Advertisement -
Liverpool waxay habeenkii Talaadada 2-0 kaga badisay kooxda reer Denmark ee Fc Midtjylland ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Diogo Jota iyo Mohamed Salah.
Habeenkii ku xigay Manchester United ayaa 5-0 ku xasuuqday RB Leipzig oo marti ku aheyd Old Trafford. Marcus Rashford oo bedel ku soo galay ayaa dhaliyay seddexleey halka Mason Greenwood iyo Anthony Martial ay shabaqa soo taabteen.
Laakiin waxaa jira wax kale oo ay labada kooxood isaga mid ahaayeen todobaadkan. Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United iyo tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa si isku mid ah ugu qoslay muuqaalka wariye wareysanayay ka dib markii ay soo dhamaadeen ciyaarahooda.
Ka hor inta aan Fred wareysiga laga qaadin wuxuu iska celin waayay inuu ku qoslo wariyaha oo u muuqaal eg ninkii ku caanbaxay ka ganacsiga daroogada kookiinta ee u dhashay dalka Colombia ee Pablo Escobar kaasoo sannadihii ugu danbeeyay taariikhdiisa laga sameeyay filim taxane ah oo ay sii deysay Nexflix.
Fred ayaa ku raacay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo isna habeenkii Talaadada qosol la dhacay markii uu tilmaamay in wariyaha uu u muuqaal eg yahay ninkaas daroogada ka ganacsan jiray ee Pablo Escobar.
Fred agrees that the interviewer looks like Pablo Escobar ?
pic.twitter.com/GOUpi6fOkf
— United Zone (@ManUnitedZone_) October 29, 2020
Wariyaha ayaa leh shaarbo weyn isagoo xiirtay garka, waana muuqaal uu caan ku ahaa Pablo Escobar.
Halkaan hoose ka daawo Jurgen Klopp oo isna ku maadeysanaya wariyaha ka dib markii uu arkay muuqaalkiisa, isagoo durbadiiba tilmaamay shaaribkiisa iyo inuu u ogyahay ninka daroogada ka ganacsanayay ee Pablo Escobar.
Laakiin wariyaha ayaa kaftanka la sii waday isagoo yiri: “Waxaase la yaab leh inaan weli gabar saaxiib la ahay inkastoo aan sidaan u muuqaal u ekahay”
Jurgen Klopp on Pablo Escobar and moustaches.
A somewhat very 2020 sentence right there. pic.twitter.com/Lzl96CjCe2
— The Redmen TV (@TheRedmenTV) October 28, 2020