Xiddig Weyn Oo Man United Ka Tirsan Oo Beeniyay

Daniel James ayaa beeniyay inuu ahaa taageere weyn oo Liverpool ah ka hor inta uusan ku biirin Manchester United, iyadoo wariyaha Sky Sports Jim White uu labo sannadood ka hor shaaciyay in Daniel James uu taageero weyn u yahay Reds.

- Advertisement -

James ayaa heshiis 17 milyan ginni ugu wareegay Old Trafford xagaagii 2019 isagoo ka soo wareegay kooxda Swansea City.

Ka hor intii aan lagu dhawaaqin heshiiskiisa Jim White ayaa ka sheegay Sky Sports in Daniel James uu taageero weyn u yahay kooxda ay Man United cadowga yihiin ee Liverpool.

Laakiin James ayaan ilaawin hadalkaas isagoo qiray inaysan taasi run aheyn balse uu taageero u ahaan jiray Chelsea.

James ayaa u sheegay shabakada Man United: “Markii aan u saxiixayay Man United, ma xusuusan karo qofkii uu ahaa laakiin mid ka mid ah wariyayaasha Sky Sports ayaa sheegay sheegay inaan ahaa taageero Liverpool.

“Ma ahi taageero Liverpool laakiin marnaba ma dooneynin inaan jawaab bixiyo waqtigaas oo aan sheego inaan taageeri jiray Chelsea markii aan yaraa.

“Markii aan bilaabayay inaan u ciyaaro Swansea waxaan taageeri jiray Chelsea laakiin ma aysan waarin taageeradii aan u hayay.

“Waxaan la socon jiray xiddigahooda markii aan yaraa – Eden Hazard, Juan Mata iyo Didier Drogba, waxay ahaayeen ciyaartoy aan jeclaa. Laakiin waan ka weynaaday haatan.”

James ayaa kulankiisii ugu horeysay ee United wuxuu ka horyimid kooxdii uu taageeri jiray ee Chelsea isagoo gool dhaliyay kulankaas oo ay Man United 4-0 ku badisay bishii Agoosto 2019.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More