Xiddig Man United U Dheelay Champions League Oo

18kii bishii Maarso sannadkii 2003, Lee Roche ayaa la ciyaarsiiyay kulankiisii ugu horeysay ee Champions League isagoo ka horyimid kooxda reer Spain ee Deportivo La Coruna markaasoo Man United 2-0 looga badiyay.

- Advertisement -

Sannado ka dib wuxuu isaga tagay gabi ahaanba shaqada kubada cagta isagoo isku bedelay nin guryaha dhisa islamarkaana u tababaran inuu sameeyo tubooyinka suuliyada ama musqulaha.

Roche oo haatan 40 sanno jir ah ayay Man United si xor ah isaga fasaxday labo bilood ka dib markii uu u dheelay Champions League.

Markii ay u socon weysay waayihiisa ciyaareed isagoo u dheelay kooxaha Wrexham, Burnley iyo Droylsden, wuxuu gp’aansaday inuu raadsado xirfad kale oo uu ku dhacsan karo nolol maalmeedkiisa, wuxuu caawimaad ka helay ururka ciyaartoyda Ingariiska ee PFA.

27 sanno jir markii uu ahaa wuxuu go’aan ku gaaray inuu gabi ahaanba isaga baxo kubada cagta.

“Marka aan guriga imaado, ma dooneynin xitaa inaan kubada cagta ka daawado TV-ga” ayuu u sheegay Planet Football.

Sannadkii 2007, ururka PFA ayaa ka caawisay xiddigaan inuu yeesho xirfad kale oo uu ku shaqeysto.

Maanta Roche waa nin khabiir ku ah tubooyinka biyaha iyo kuwa suulida, wuxuu sidoo kale ku shaqeysto buuxinta darbiyada ee dhismaha guryaha.

“Waxaa jira rag badan oo aan iskala shaqeyno dhismaha oo wax iga weydiiya Man United iyo sida aan halkaan ku imid” ayuu yiri.

“Mar walba kama hadlo inaan u ciyaari jiray United sababtoo ah waa la iga caajisayaa. Waxaan qabaa in ciyaartoyda yar yar lagu dhiirogeliyo inay u tababartaan xirfad kale si ay wax uga ogaadaan nolosha rasmiga ah.

“Intooda badan ma heystaan qorshe labaad haddii ay u shaqeyn weyso kubada cagta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More