Xiddig Ka Tirsan Actual Madrid Oo Sabab Layaab Leh Ku Seegaya Ciyaarta

Difaaca bidix ee reer Brazil ee Marcelo ayaa lagu qasbi karaa in uu seego kulanka lugta labaad ee Actual Madrid safarka ugu tegi doonto Chelsea, kaas oo ka dhici doona garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.

- Advertisement -

Actual Madrid ayaa u duuli doonta magaalada London marka ay taariikhdu tahay Could 4 oo ah maalinta Salaasada usbuuca soo socda iyadoo ciyaartuna qabsoomaysa habeenka xiga ee Arbacada.

Laakiin Marcelo ayaa la sheegay in aanu qayb ka noqon doonin ciyaartoyda kooxdiisa ee u safraysa UK, sababtana waxa lagu sheegay in ay tahay ballan uu ku leeyahay goob-doorasho ku taalla magaalada Madrid.

Actual Madrid ayaa isku dayday in ay rafcaan ka qaadato shaqada iyo ballanta Marcelo ku leeyahay goob-doorashada, laakiin wali wax jawaab ah kama helin masuuliyiinta.

Shaqada uu Marcelo ka qabanayo goob-doorashadan ayaa waxay tahay in uu ka mid yahay dadka ka shaqaynaya doorashada Golaha Maamulka magaalada Madrid.

Actual Madrid ayaa sugi doonta in masuuliyiinta Madrid ay jawaab siiyaan oo ay u fasaxaan Marcelo si uu qayb uga noqdo ciyaartoyda safraya ee lasoo ciyaaraya Chelsea, laakiin jawaabta codsigii ay dirsadeen oo ku raagay ayaa shaki gelinaya suurtogalnimada in laacibkani uu qayb ka noqon doono ciyaartaas.

Arrintan oo kusoo beegmaysa waqti uu dhaawac ku maqan yahay difaaca bidix ee xulashada koowaad u ah Zidane ee Ferland Mendy, ayaa madax xanuun ku noqonaya Los Blancos.

Zidane ayaa rajaynaya in Ferland Mendy uu dib ugu soo laabto kooxda ka hor ciyaartaas, uuna kasoo kabto dhaawac uu dhawr ciyaarood ku maqnaa. Sidoo kale, waxa la saadaalinayaa in kabtanka kooxda ee Sergio Ramos uu soo laaban doono oo uu taam u noqon doono kulanka lugta labaad ee Chelsea ay Arbacada soo socota la ciyaari doonaan.

Los Blancos ayaa haysata dookh kale oo ah in Marcelo uu kalidii u safro London maalinta ciyaartu dhacayso ee Could 5, isla markaana uu ku biiro ciyaartoyda kooxdiisa, laakiin taasina waxay keeni doontaa in uu seego tababarka kooxda ee gellinka hore ee Arbacada ee ciyaartoyda loogu sii kululaynayo ciyaarta fiidnimada.

Si kastaba, doorashada Madrid ayaa la sheegay in cudur-daar xirfadeed laga qaadan karayo haddii ay jiraan sababo macquul ah, laakiin waa waajib shaqo oo qofka lagu soo qoro ay tahay in uu qaybtiisa qaato, sida adeegyada caafimaadka oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More