WARKII LA SUGAYAY: Tuchel Oo Shaaciyey Xiddigaha U Laadaya
Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaciyey in uu warkii ugu wanaagsanaa abid helay, kaddib markii ay uu xaqiiqsaday in ay kulanka finalka Chamions League ee Sabtida ay si buuxda taam ugu yihiin labada ciyaartoy ee N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo shaki la gelinayay in ay ciyaari karayaan kulankan.
- Advertisement -
Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in kooxdiisa oo dhamaystiran ay taam wada tahay oo ay kulanka Manchester City uu haysto ciyaartoydiisa oo uu kala dooran doono, isla markaana 25kii xiddig ee ula safray Porto ay diyaar u wada yihiin.
Tababaraha reer Germany oo ka hadlayay ka hor kulanka Sabtida ayaa yidhi: “Kani waa warkii ugu wanaagsanaa abid, ma jiraan dhaawacyo, waxaanan rajaynayaa in ay sidan wada ahaadaan kaddib tababarka maanta.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Thomas Tuchel yidhi: “Waxa aan sheegayaa, in kalsooni buuxda aan ku qabo qof kasta marka ay noqoto hammuunka oo mar walba heerka u sarraysa joogta isboorti ahaan. Waxa aan dareemayaa isku duubnaan, yool, akhlaaqad toddobaadkan diyaar-garowga ah.
“Waxa aanu dareemaynaa kalsooni ay aad u fiican tahay in finalka lala yimaaddo. Laba tababar ayaanu kusoo qaadanay London, midi waxa uu ahaa shalay oo ku saabsanaa xeeladaha.”
Rikoodheyaasha oo la weydiiyey?
Thomas Tuchel waxa uu daboolka ka qaaday in uu mar horeba sii xushay ciyaartoyda u laadaysa rikoodheyaasha, isla markaana uu mid walba u diyaariyey sidii uu u dhalin lahaa, haddii ay ciyaartu ku dhamaato barbarro.
“Mar walba waanu ku tabobaranaa rikoodheyaasha marka aanu aanu waajahayno ciyaar ay suurtogal tahay in ay sidan oo kale ku dhamaato.” Ayuu yidhi Tuchel.
“Rikoodheyaashii (Man United vs Villarreal) waxay ahaayeen cajiib marka aad eegto tayada ciyaartoyda laadatay. Uma malaynayo in aan waligay arkay rikoodheyaal noocaas ah oo la dhaliyey 20 xidhiidh ah oo aan waxba la lumin.
“Kalsoonida noocan ah ayay tahay in si fiican loo qaato. Aynu eego, waxa aanu haysanaa wiilal aanu u xulanay in ay noqdaan kuwa noo laadaya rikoodheyaasha, laakiin ma hubo in ay waqtigaas garoonka ku jiri doonaan.”