Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Caawa Oo Sabti Ah
Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa furan iyadoo kooxaha ay ku howlan yihiin sidii ay ku soo xerogelin lahaayeen ciyaartoyda ay u arkaan inay ku xoojin karaan kooxdooda xilli ciyaareedka soo socda.
- Advertisement -
Hadaba shabakada Laacib waxay caawa idiin soo uruurisay wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo kookooban.
Sergio Busquets ayaa go’aan ku gaaray inuu sii joogo Barcelona inkastoo uu dalabyo qaali ah ka helayay kooxaha Mareykanka bilihii ugu danbeeyay, laakiin wuxuu qorsheynayaan inuu horyaalka MLS u wareego xagaaga sannadka danbe.
Martin Odegaard ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuusan dib ugu biiri doonin Arsenal xagaagan inkastoo Gunners ay si weyn u dooneysay inay heshiis joogta ah kula wareegto xiddiga reer Norway.
Odegaard ayaa xilli ciyaareedka cusub u dheeli doona Real Madrid iyadoo Los Blancos ay qorsheyneyso inay bedelkiisa iibiso xiddiga reer Spain Isco.
Giorgio Chiellini ayaa qandaraas cusub u saxiixi doona Juventus maalmaha soo socda. Waxaa la filayaa inuu kooxda sii joogo ilaa iyo bisha Juun 2022, taasoo qeyb ka ah mashruuc hal xilli ciyaareed ah.
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Matteo Guendouzi ayaa si rasmi ah ugu biiraya kooxda Faransiiska ee Marseille. Heshiiska waxaa la dhameystirayaa todobaadka soo socda iyadoo Guendouzi uu iska diiday dalabka kooxda Benfica kana doortay Marseille.
Manchester United ayaa xiriir kala sameysay Real Madrid saxiixa daafaca dhexe Raphael Varane. Weli dalab rasmi ah lama gudbin, heshiiskana ma noqon doono mid sahlan. Man United dhibaato kuma ahan inay heshiis shaqsi ah la gaarto xiddiga Faransiiska halka Real Madrid ay weli rajo ka qabto inay ka dhaadhiciso Varane inuu kooxda sii joogo, balse wuxuu doonayaa inuu isku tijaabiyo wax cusub, wuxuuna liiska koowaad uga jiraa xiddigaha daafacyada ee ay Red Devils dooneyso.
Daafaca garab ee kooxda Barcelona Junior Firpo ayaa ku sugan dalka Ingariiska isagoo sugaya inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Leeds United ka hor inta uusan heshiis 13 milyan ginni ah uga soo wareegin Barcelona.
AC Milan ayaa rajo ka qabta inay si fursad ah ugala soo wareegto Chelsea xiddiga kubadsameeyaha Hakim Ziyech.
Inter Milan ayaa kalsooni ku qabta in xiddiga diirada u saaran Chelsea Romelu Lukaku inuu baaqi ku sii ahaan doono San Siro xilli ciyaareedka soo socda.
Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa ku dagaalamaua saxiixa Domenico Berardi ka dib markii uu xiddiga kooxda Sassuolo uu wacdarro u dhigay xulka Talyaaniga oo gaaray semi-finalka Euro 2020.