War Cusub Oo Kasoo Kordhay Dhaawacyada N’Golo Kante Iyo Edouard Mendy

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war wanaagsan ka heshay labadeeda ciyaartoy ee N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo kusoo laabtay tababarka gellinkii dambe ee maanta, xilli ay kooxdu isku diyaarinayso finalka Champions League ee ay Sabtida wada ciyaari doonaan Manchester Ctiy

- Advertisement -

Xarunta tababaraha Chelsea ee Cobham ayay maanta iska soo xaadiriyeen Kante iyo Mendy, waxaanay taasi soo noolaysay rajada kooxda ee ah in labadan ciyaartoy ay usoo laaban karaan kulankaas muhiimka ah.

Kante ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay ciyaartii Aston Villa ee Axaddii, kaddib markii uu garoonka  ka baxay kulankii Leicester City.

Mendy ayaa isagana la beddelay waqtigii nasashada ee ciyaartii Villa Park oo uu ku dhaawacmay waqti uu isku dayayay in uu joojiyo goolkii uu Bertand Traore ka dhaliyey daqiiqaddii 43aad ee dhamaadka qaybta hore.

Tababare Thomas Tuchel oo warbaahina la hadlayay Isniintii ayaa sheegay in kooxdiisu ay rajaynayso in labadan ciyaartoy ay tababarka u soo laabtaan Arbacada maanta, diyaarna ay u noqdaan kulanka Manchester City ee finalka Champions League ee magaalada Porto.

“Waxba iskama beddelin N’Golo.” Ayuu yidhi Tuchel oo Isniintii hadlayey, waxaanu intaas raaciyey: “Waxa aan ka  fikirayaa in hadda aan beddelo xeeladayda iyo in aan joojiyo weydiinta N’Golo.

“Waxa aan garoonka tababarka keeni doonaa Arbacada oo uu layliska la qaadan doono ciyaartoyda, markaas su’aalo ma jirayaan. Haddii ay dhibaatooyin jiraan, xataa tababarka ayaanu keenaynaa, waxaanu garoonka iman doonaa marka ay bilaabmayso ciyaarta Sabtida.

“Wax cabasho ah kama maqal dhakhaatiirta, waxa aanan filayaa in taasi u muuqato in uu fiican yahay.”

Mendy oo uu ka hadlay ayaa uu sidoo kale ka hadlay Isniintii, waxaanu yidhi: “Xogtii u dambaysay way fiican tahay, waxaananu rajaynaynaa in Arbacada uu kusoo biiro tababarka, kooxdana uu qayb ka noqdo.

“Horumar weyn ayuu ka sameeyey xanuunkii, waxaananu u baahanahay warbixin cusub Arbacada. Waxa aanu rajaynaynaa in uu dib usoo laabto.”

Si kastaba, markii ay maanta tababarka kusoo laabteen Kante iyo Mendy, waxa si diirran usoo dhoweeyey ciyaartoyda iyo tababaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More