“Wakhtigan Ma Odhan Karo….” – Madaxweynaha Barcelona Oo Hadal

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin in Lionel Messi oo xalay uu ka dhacay heshiiskiisii kooxdu uu kooxda sii joogi doono.

- Advertisement -

Heshiiskii uu Leo kula joogay kooxda Camp Nou ayaa dhacay xalay 12-kii habeenimo taas oo ka dhigan inuu xor yahay markii ugu horreysay kaddib mudo 21 sano ah oo uu kooxdaas qayb kasoo ahaa.

Waxa la filayaa inuu Messi u samayn doono Blaugrana qandaraas cusub oo laba sano oo kale ah balse wuxuu u muuqdaa in ilaa haatan heshiiskaasi u suurogali waayay sababta sharciga dhaqaale wanaaga Yurub ee FFP oo ay arrimo dhaqaale hor taagan yihiin kooxda.

Joan oo la hadlayay wargeyska Onda Cero ayaa yidhi “Anagu waxaanu doonaynaa in isagu joogo Leo-na waxa uu doonayaa inuu joogo, waxaanu haynaa mawduuca sharciga (Dhaqaalaha), waxaanu ku jirnaa hanaanka aanu xalka ugu wanaagsan u helayno labada dhinacba”

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhawaaqo joogistiisa laakiin wakhtiyadan anigu ma odhan karo sababtoo ah habkii ayaanu wadnaa aanu xalka ugu wanaagsan ugu heli lahayn labada dhinacba”

Messi ayaa hadda haysta xoriyada uu heshiis ugu saxeexi karo kooxda uu doono, talaabadaas ayaa ah mid uu deg-deg u qaadi lahaa xilligan oo kale sanadkii hore markaas oo ay maamulkii wakhtigaas ee kooxda isku dhaceen.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More