“Waan Gaarey Hadafkii Aan Hiigsanayay Illaa Maalintii Aan Imid
Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa shaki la gelinayaa, kaddib qoraal uu ku daabacay bartiisa INstagram oo uu ku sheegay in uu gaadhay ujeeddadii uu u yimid Talyaaniga.
- Advertisement -
Ronaldo oo qandaraaskiisa Juventus ku eg yahay xagaaga 2022, ayaa lala xidhiidhinayaa tiro kooxo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester United, waxaana farriinta uu soo qoray lagu tilmaamay mid u muuqata macasalaamayn.
“Nolosha iyo xirfadda ciyaartoy kasta oo sare waxay leeyihiin sare u kac iyo hoos u dhac.” Ayuu Cristiano ku yidhi qoraalkiisa oo intaas raaciyey: “Sannadba sannadka xiga, waxa aanu waajahaynaa kooxo cajiib ah oo haysta ciyaartooyo aan caadi ahayn oo leh damac weyn, sidaa darteed, waa in aanu naftayada u diyaarino sida ugu wanaagsan si aanu u gaadhi karno heerkayaga ugu wanaagsan.
“Sannadkan kuma aanaan guuleysanin Serie A, waan u hambalyaynayaa Inter oo si wanaagsan ugu qalmaysay horyaalka. Si kastaba, waa in aan qiimeeyo wax kasta oo aanu Juventus la gaadhnay xilli ciyaareedkan, koox ahaan iyo shaqsi ahaanba. Abaal-marinta gool-dhaliyaha ugu sarreeya Italian Super Cup, Italian Cup iyo Serie A, waxay isiisay farxad, gaar ahaan xilli aanu waqti adag kaga jirnay waddan aanay fududayn in aad wax ku guuleysato.”
Intaas kaddib ayuu Ronaldo sheegay in uu gaadhay hadafkiisii Talyaaniga, waxaanu yidhi: “Waxa aan gaadhay hadafkaygii aan hiigsanayay tan iyo maalintii aan imid Talyaaniga oo ahaa: in aan ku guuleysto horyaalka, Italian Cup iyo Super Cup, sidoo kalena ciyaartoyga ugu wanaagsan {Talyaaniga} iyo ciyaartoyga ugu goolasha badan waddanka kubaddiisu wanaagsan tahay ee ay joogaan ciyaartoyda heerka sare ah, naadiyada waaweyn iyo dhaqan kubbadeed.”
Ronaldo waxa uu ku dooday in aanu isagu raadsanin rikoodhada laakiin ay iyagu soo raadsadaan, waxaanu yidhi: “Hore ayaan u sheegay in aanan anigu eryanin rikoodhada, laakiin rikoodhada ayaa isoo raadsada. Kuwa aan fahmin ujeeddadadayda, way fududdahay: Kubaddu waa ciyaar wada-jir ah, laakiin shaqsiyaad ayaa usoo baxa in ay kooxaha ka caawiyaan in ay yoolkooda gaadhaan.”
Cristiano Ronaldo waxa kale oo uu sheegay in uu kusoo guuleystay horyaallada England, Spain iyo Talyaaniga, isla markaana uu noqday ciyartoyga ugu wanaagsan ee England, Spain iyo Talyaaniga, taas oo uu kusii darsaday inuu qaatay gool-dhalinta England, Spain iyo Talyaaniga oo uu mid walba ka dhaliyey 100 gool iyo ka badan.
Ugu dambayntii ayuu farriin macasalaamayn u kusoo gunaanaday qoraalkiisa, waxaanu yidhi: “Wuu mahadsan yahay qof kasta oo kasoo qayb-qaatay safarkan!”