WAA WAREEY !! Edinson Cavani aabihiis ayaa hadlaya
Aabaha dhalay weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani ayaa ka hadlay xaalada wiilkiisa ee Old Trafford wuxuuna qirtay inuusan ku faraxsanayn joogitaanka kooxda Manchester United.
- Advertisement -
Sida laga soo xigtay Cavani aabihiis, wiilkiisa ayaa doonaya inuu ka tago kooxda waxaana durbaba lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Boca Juniors ee dalka Argentina.
Luis Cavani ayaa u sheegay TyC Sports: “Wiilkeygu kuma faraxsana England, wuxuuna doonayaa inuu markale u dhawaado qoyskiisa.”
Sida laga soo xigtay aabihiis Luis Cavani, Cavani wuxuu ka tagi doonaa Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkaan isagoo diidaya inuu aqbalo heshiis cusub oo hal sano ah: “Edinson wuxuu ka ciyaari doonaa South America. Waxaan doonayaa Edinson inuu u ciyaaro koox sida Boca Juniors, iyo wuxuu had iyo jeer jeclaa fikradda ah inuu u ciyaaro Boca.
“Hadii uu ku laabto South America, wuxuu ku biirayaa Boca”.
Luis ayaa markii dambe xaqiijiyay in wiilkiisa uu ka tagayo Manchester United wuxuuna yiri: “Wuxuu ku laaban doonaa Koonfurta America bartamaha sanadkaan. Wiilkeyga fikradiisa ma ahan inuu halkaas sii joogo (Man United), wuxuu doonayaa inuu soo laabto.”
Warkan ayaa dhabar jab weyn ku ah Manchester United, oo rajeyneysay inay sii heysato Cavani sanad kale si ay u caawiso weeraryahanada da’da yar ee Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood.
Shalay ayaa la sheegay in Edinson Cavani uu aadayo Boca Juniors isla markaana uusan dooneynin inuu sii joogo Old Trafford, laakiin kooxdiisa ma aysan soo saarin warbixin rasmi ah.
The Sun ayaa qortay in Edinson Cavani uu ka careysan yahay fursadaha yar ee Ole Gunnar Solskjær wuxuuna dalbanayaa jawaabo ku saabsan mustaqbalkiisa.