“Waa Nalaga Badiyay, Qolka Labiska Ayaan Ugu Galay Pogba & Lingard Oo
Halyeeyga kooxda Manchester United ahna tababaraha haatan ee Derby County ee Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday wixii kala qabsaday isaga iyo ciyaartoyda wali qaybta ka ah kooxdiisii hore ee Paul Pogba iyo Jesse Lingard.
- Advertisement -
Rooney ayaa Pogba iyo Lingard si wadajir ah qolka labiska kooxda ula soo wadaagay xilli ciyaareedkii 2016-17 markaas oo uu tababare Jose Mourinho hoggaaminayay United.
Rooney oo wargeyska The Times sheekadaas ku qoray ayaa sheegay inay guuldarro la kulmeen isla markaana uu maalintii ku xigtay isaga oo wali guuldarradaas ka cadhaysan uu u tagay Paul Pogba iyo Jesse Lingard oo qolka labiska qoob ka ciyaar ku dheelaya.
Rooney ayaa sheegay inuu ka bakhtiiyay sameecada ay dhagaysanayeen isla markaana uu qaaday oo uu ka saaray qolka labiska maadaama oo ay tahay wixii jiilkiisii kubadda cagtu ay kusoo bar-baareen.
Wazza ayaa yidhi isaga oo arrintaas ka warramayay “Waan xasuustaa hal mar inaan tababar u yimid United maalin kaddib markii aanu guuldarro la kulanay, wali cadho aad ah ayaan dareemayay waxaanan qolka labiska la galay Michael Carrick”
“Waxaanu halkaas ugu tagnay Paul iyo Jesse oo Music ku jaasaya, waan dhaqaaqay, waan bakhtiiyay sameecadihiina qolka labiska ayaan ka saaray, sababtoo ah taasi waa hab fikirkayga, taasi waa sidii aan kusoo koray iyadoo kubadda cagtu tahay”
“Sida uu Rio Ferdinand yidhi, ciyaartoydii jiilkayagu kaliya waa inay la qabsadaan jiilkan iyo waxa isbedelay”