Waa Kuma Xiddiga Laf-Dhabarta U Ah Chelsea Ee Hubaal Maqnaan Doona
Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in khadka dhexe ee kooxdiisa ee Mateo Kovacic oo muddooyinkan ugu dambeeyay kamid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan kooxdaasi uu ka maqnaan doono kulanka Salaasada ee Real Madrid.
- Advertisement -
Xiddiga ree Croatia ayaa ahaa mid ka maqnaa Chelsea saddexdii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii uu ku dhaawacmay ciyaartii siddeed dhammaadka Champions League ee FC Porto.
26 sano jirkaas ayuu ugu horreynba tababare Tuchel sheegay inuu maqnaan doono kulanka West Ham United ee caawa ee aadka muhiimka u ah isla markaana ay wax layaab leh noqon doonto haddiiba uu Salaasada diyaar u noqon doono ciyaarta kooxdiisii hore,
Thomas ayaa yidhi isaga oo xaalada xiddigiisa ka hadlaya “Waxaan filayaa inay Madrid aad ugu soo dhawaan doonto laakiin sida cad isagu lama tababaran kooxda”
“Goorma ayay tani dhici doontaa? berri waa kulanka (West Ham United) kaddib laba maalmood oo dheeri ah ayaanu haysanaa oo aanu ugu diyaar garawno Real Madrid afar dhammaadka Champions League”
Kulanka ay Chelsea caawa martida u tahay West Ham United ayaa ah mid muhiimad weyn u yeelan kara go’aaminta kooxaha afarta sarre ee Premier League ku dhammaysanaya xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa hadda booska afraad ku joogta farqiga goolasha balse Hammers ayay wadaagaan min 55 dhibcood iyadoo kooxda badisaa ay mida kale saddex dhibcood oo saafiya ka sarre mari doonto.
Your browser does not support the audio element.