Waa Kuma Xiddiga Chelsea U Saftay Kulankiisii Ugu Dambeeyey Ee Mar

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay sii macasalaamayso mid ka mid ah xiddigaheeda oo mar horeba sii goostay tigidhka diyaaradda ee uu kaga baxayo London, kaas oo aan illaa hadda la ogeyn halka uu u dhaqaaqi doono.

- Advertisement -

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa la sheegay inuu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Blues oo ay adag tahay in mar dambe uu xidho shaadhka kooxda, inkasta oo ay Blues u hadhsan yihiin finalka Champions League iyo ciyaarta ugu dambaysa horyaalka oo iyaduna remaining oo kale ah, ayna Axadda  u tegayaan Aston Villa.

Sida uu sheegay wakiilka Giroud oo lagu magacaabo Vincenzo Morabito, waxa uu laacibkani qarka u saarnaa in uu ka tago Stamford Bridge bishii January, laakiin hadda ayaa ay wax walba soo dhamaadeen oo uu baxayaa.

“Manuello iyo aniga ayaa la kulanay AC Milan dhamaadka suuqii iibka ee bishii January. Waxay noo xaqiijiyeen sida sarraysa ee ay u qiimaynayaan Giroud inkasta oo ay haddana sheegeen in ay tixgelinayaan ciyaartoyda weerarka ee da’yarta ah.” Ayuu yidhi Morabito oo la hadlayay wargeyska Calciomercato.

“Si kastaba, wali xidhiidh ayaanu leenahay iyaga (AC Milan), waanaynu arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka. Waxa jirtay suurtogalnimo ahayd in Giroud uu tago Talyaaniga bishii January.

“Waxa kale oo aanu la  hadlnay Juventus iyo Roma markii ay filayeen in Edin Dzeko uu tago Inter Milan.

“Hadda, Manuello waxa uu culaysinayaa dalabyo dhawr ah oo ku aaddan Giroud. Saddex waxay ka yimaaddeen kooxo Ingiriis ah, laakiin waxa kale oo jira xaalado xiise ah oo uga imanaya Spain iyo Germany.”

Heshiiska Olivier Giroud uu kula jiro Chelsea ayaa waxa uu ku eg yahay  dhamaadka bisha dambe, waxaana uu laacibkani inta badan xilli ciyaareedkan fadhiyey kaydka, iyadoo aan la hubin in Tuchel uu fursad siin doono labada kulan ee u hadhsan.

31 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay ayuu xilli ciyaareedkan Giroud dhaliyey 11 gool, waxaanay lix ka mid ah uu ka dhaliyey tartanak Champions League, waxaanu rajo ka qabaa in finalka Could 29 ay Manchester Metropolis ku ballansan yihiin Champions League uu ugu yaraan daqiiqado kasoo muuqan karo.

Si kastaba, warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Olivier Giroud uu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Chelsea Salaasadii toddobaadkan, kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Leicester Metropolis.

34 jirkan ayaa Chelsea kusoo biiray bishii January ee 2018, isagoo ka yimid Arsenal, waxaana 100 kulan oo uu saftay uu dhaliyey 39 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More