Waa kuma Guudlaawe! Hogaamiyaha DG Hirshabeelle? –

Sidii la filayey Cali Xuseen Guudlaawe  ayaa noqday madaxweynaha DG Hirshabeelle kaddib xilli-madaxeedkii 1aad ee Hirshabeelle oo ahaa 4 sano ay Dowlad-goboleedku yeelatay laba madaxweyne oo Guudlaawe labadaba u ahaa madaxweyne ku xigeen! Haddaba waa kuma Calai Guudlaawe?

- Advertisement -

Dhalashada iyo Sooyaalka

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe waxa uu ku dhashay  tuulada Quracmadoobe oo hoostagta degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeelaha dhexe horraanta todobaatameeyadii, Qoyska Cali waxa ay isugu jireen Beeraley iyo xoola-dhaqato, aabihiis Xuseen Guudlaawe dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen in uu ahaa nin deggan oo Ahludiin ah sidaas awgeed Cali Guudlaawe waxa uu si fiican u bartay Qur’aanka Kariimka waxa uuba muddo kamid ahaa xerta Subacleyda oo si fiican looga yaqaan gobolka shabeelaha dhexe.

1994-tii Guudlaawe waxa uu kamid noqday Maliishiyadii illaalada ama Istaafka u ahayd Nuur  Shirboow oo xilligaas noqday guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe, intii u dhexeysay maamuladii Shirbow & Maxamed Dheere, Cali Guudlaawe waxa uu la shaqeeyey ganacsade layiraahdo Iimaan Maxamed Cali oo Jowhar xilligaas kafurtay kaalin Shidaal, muddo yar kaddib Cali Xuseen Guudlaawe Jowhar ayuu Raadiye ama Taar ka furtay, waxa uu galay ganacsiga Beeraha Bariiska.

2001 Cali Xuseen Guudlaawe oo kamid ah ganacsata yaryar ee degmada Jowhar ayaa gobolka Shabeelaha dhexe waxa qabsaday maamulkii Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeen (Maxamed dheere), maaddaama uu kujiray ganacsiga waxa uu la saaxiibay Maxamed Dheere kaddibna Maxamed Dheere ayaa kudaray Wakiiladiisii maamulka, waxa uu noqday Wakiilka Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Waayahaas ilaha maaliyadeed ee ugu dhaqaalaha badan ee maamulku kutiirsanaa waxa ay ahaayeen jidgooyooyinka ama isbaarooyinka yaallay daafaha magaalada Jowhar, ilahaas dhaqaalaha iyo maaliyadda gobolka waxa ugu xoogganaa Isbaarooyinkii yiil deeganada Kongo & Shinbirow, Cali Xuseen Guudlaawe waxa uu mas’uul ka ahaa muddo kudhow 5 sano dhaqaalaha kayimaada Isbaarooyinkaas.

2005 Guudlaawe waxa uu muddo kooban la shaqeeyey Maxamed Cumar Deel iyo Axmed Cumar Xabeeb (Jaandhaay) oo labaduba Maamulka gobolka uga dambeeyey Maxamed Dheere.

Horraantii 2006  guddoomiyihii maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere waxa uu ku biiray isbaheysigii dib u soo celinta Nabadda iyo la dagaallanka argagixisada (Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism-ARPCT), isabaheysigaas oo ay asaaseen hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho ee berigaas waxa kamid ahaa:- Maxamed Cumar Xabeeb, Muuse Suudi Yalaxow, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Bootaan Ciise Caalin, Maxamed Qanyare Afrax, Nuur Daqle, Cumar Maxamed Maxamuud (Finish)

Bartimihii Febraury-2006 Dagaalkii dhexmaray isbaheysigaas oo ay ku mideysnaayen hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho oo dhinac ah iyo Maxkamadihii Midoobay oo dhinaca kale ah waxa uu sababay in guud ahaan hoggaamiye kooxeedyadu ay lumiyaan maamulkii kala qoqobnaa ee ay ku haysteen caasimadda, sidaas oo kalana dagaalku waxa uu gaaray labada Shabeelle, rag katirsanaa maamulkii SHabeelaha dhexe oo uu kamid ahaa Cali Xuseen Guudlaawe  waxa ay u wareegeen magaalada Muqdisho balse 2007 ayaa Guudlaawe dib ugu noqday Jowhar.

2007-2009 ayuu noqday guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka shabeelaha dhexe, taas oo macnaheedu yahay in uu weli gacanta ku hayey Jidgooyooyinkii dhaqaale ahaan maamulka gobolku kutiirsanaa, horraantii 2010 Guudlaawe waxa u wareegay mar kale magaalada Muqdisho isaga oo muddo kooban ka shaqeeyey ganacsiga Shirkado yaryar oo isaga iyo rag ay jaal ahaayeen ay ka hirgeliyeen Muqdisho.

Waxbarashada

Sida ay Sheegeen saaxiibadiisa ay is yaqaaneen muddada dheer iyo kuwa ay soo wadashaqeeyeen Cali Xuseen Guudlaawe  madaxweynaha cusub ee DG Hirshabeelle habayaraatee ma laha soomana marin Waxbarashada asaasiga ah hayeeshee waxa galay jaamacadda Soomaaliya 2010-2013 waxa uuna u dhigtay hannaanka Part time ka.

2014-2016 waxa uu noqday guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe, kaddibna October-2016 ayuu u tartamay xilka madaxweyne kuxigeenka DG Hirshabeelle, waxa uu ka guuleystay Cali Xasan Taakow oo kula tartamay xilka madaxweyne ku xigeenka.

Oct-2016- Nov-2020 waxa uu hayey kuna shaqeeyey xilka madaxweyne ku xigeenka kaddibna 11-Nov-2020 ayaa Baarlamaan-goboleedka Hirshabeele waxa uu u doortay madaxweyhe Hirshabeelle ee Nov-2020-Nov-2024

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More