VIDEO: Daawo Muuqaallada Naxdinta Leh Ee Taageereyaasha Chelsea & Man

Booliska waddanka Portugal ayaa ku mashquulsan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen taageereyaasha kooxaha Manchester City iyo Chelsea ka hor ciyaartooda finalka Champions League ee Sabtida ka dhacaysa magaalada Porto.

- Advertisement -

Kumannaan taageereyaasha Man City iyo Chelsea ayaa tegay waddanka Portugal, iyagoo qayb ka noqonaya garoonka Estadio do Dragao iska xaadirin doona si ay kooxahooda uga caawin karaan in ay ku guuleystaan horyaalka Yurub.

Laakiin ka hor inta aan ciyaartaba la gaadhin, waxa magaalada Porto ka jirta xaalad ka beddelan middii looga bartay, waana rabshad iyo dagaal daqiiqyada dhexdooda ah oo ay fursad iskugu heleen jamaahiirta labada kooxood.

Kani waa muuqaalka mid ka mid ah dhacdooyinkii Porto, waxa jidka weyn ee baabuurta goostay taageereyaal dagaallamaya oo booliskuna ay ku hawlan yihiin kala caydhintooda. Waa dhacdadii Khamiistii, laakiin waxa jira muuqaallo kale oo kan ka duwan oo iyaguna muujinaya dhacdooyin kale.

Abaaro 10:30pm (fiidnimo), booliska ayaa soo xidhay baararka lagu caweeyo ee magaalada Porto, si ay u joojiyaan dagaalka taageereyaasha, waxaana hadda baraha bulshada dhex-wareegaya muuqaalka dagaalkii jamaahiirta ee wabiga Douro.

Telefishan laga leeyahay waddanka Portugal ayaa sidoo kale baahiyey dagaal subaxnimadii xigtay dhex maray taageereyaasha labadan kooxood, waxaana Twitter-ka lasoo geliyey muuqaallo kale oo muujinaya rabshado ka dhacaya qaybo kale oo magaalada ah.

 Booliska waddanka Portugal ayaa sheegay in ammaanka ay xoojin doonaan ka hor ciyaarta.

Sidan oo kale, waxa Arbacadii u dagaallamay taageereyaasha Manchester City iyo kuwa Manchester United, waxaana loogu yeedhay ciidamada milateriga, waxaanay dhacdadaasi ahayd markii ay Manchester United kusoo guul-darraysatay tartanka Europa League, kuwa Man City na ay isku diyaarinayeen in ay u duulaan Portugal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More