UK: “Waa in xal degdeg ah laga gaarayaa Muranka
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Barwaaqo-sooranka Boqortooyada Ingiriiska ayaa looga hadlay xaaladda Cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan muranka hareeyay qabsoomidda doorashooyinka nuuceeda ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.
- Advertisement -
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Ingiriiska ay garab-siineyso hirgelinta heshiis Doorasho oo si wadajir ah loo wado, isla markaana uu sal u yahay is afgaradkii 17-kii September 2020 oo ah xalka keliya ay isla garteen Hogaamiyayaasha Soomaalida.
Boqortooyada UK ayaa muujisay heshiiska xoojinaya kan September 2020 ka dhacay Baydhabo 16-kii Febaraayo 2021 in uu muhiim u yahay hagista Doorasho isla ogol u dhacda loogana gudbo caqabadaha laga dhaxlay khilaafka soo jiitamay.
“Boqortooyada Ingiriiska waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in hoggaamiyaasha Soomaalida looga baahan yahay wadajir, wadatashi & isla ogol lagu saldhigo heshiiska 17-ka September iyo talo soo jeedinta 16-ka Febaraayo ee kasoo baxday Guddiga Farsamo Baydhabo ku shiray” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay UK.
“Boqortooyada Ingiriiska ma taageeri doonto fal sababi kara kala qaybsanaan ama dhaawacaya doorashooyinka ama in waqti dheereysi la damco, Annaga oo ka duuleyna Dadka Soomaaliyeed wadajirka & horumarka waxa aan dhinacyada Soomaalida ugu yeerenyaa in dib loo wadahadlo sida ugu degdegsan” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda & Barwaaqo-sooranka UK.
Ingiriiska waxa uu kamid yahay Dalalka sida dhaw ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana kaalin muuqata ka qaadaneysa haweeneyda Danjiraha uga ah Dalkaan oo dhexgashay Wakiilada kale ee Beesha Caalamka.