UGU DAMBAYN: Mourinho Oo Sharraxay Cidii Ka Dambaysay Go’aankii Uu

Tababaraha cusub ee kooxda AS Roma ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday shaqsigii ka dambeeyay in xiddiga haatan ee Kevin De Bruyne uu ka tago Chelsea wakhtigii uu isagu macalinka ka ahaa kooxdaas.

- Advertisement -

Mourinho ayaa iska fogeeyay inuu isagu go’aamiyay heshiiskii 18-ka Milyan ee pound ahaa ee ay Chelsea ugu dirtay De Bruyne dhinaca kooxda Wolfsburg.

De Bruyne ayaa kaliya sagaal kulan usoo ciyaaray Chelsea balse kusoo raaxaystay amaah uu ku tagay Werder Bremen sanad kamid ah labadii xilli ciyaareed ee uu Stamford Bridge joogay.

Sanadkii 2014 ayay ahayd markii Kevin heshiis 18 Milyan oo pound ah loogu diray Wolfsburg kahor inta uusan sanad kaddib heshiis 52 Milyan oo pound ah ugu wareegin Man City.

29 sano jirkaas ayaa Sky Blues ku noqday mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan dunida isaga oo labadii sano ee ugu dambeeyay kusoo guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee PFA.

Chelsea ayaa in badan lagu canaantaa inay ciyaartoy KDB oo kale ah u ogolaatay inuu ka tago kooxdeeda balse Mourinho ayaa hadda si buuxda u shaaciyay inuu go’aanka lahaa ciyaartoyda oo cadaadis ku saaray in kulan kasta la ciyaarsiiyo ama la iska fasaxo.

Mou oo talkSPORT la hadlayay ayaa yidhi “Isagu in badan ayuu i cajab geliyay waxaanan qaatay go’aanka ah ‘Ma doonayo in wiilkani amaah ku baxo’, waxaan doonayay in isagu joogo”

“Kulankayagii ugu horreeyay Premier League ee Hull City wuu kusoo bilawday, kulankii labaad waxaanu tagnay Old Trafford  kaddib kulankaas wuu ii yimid wuxuuna igu yidhi ‘Waxaan doonayaa inaan ciyaaro kulan kasta, waxaan doonayaa inaan ciyaaro daqiiqad kasta, cadaadis badan ayuu nagu saaray midaas”

“Waxa uu doonayay inuu tago, waxa uu doonayay inuu tago Germany oo uu hore amaah ugu tagay oo uu ku faraxsanaa, go’aankiisuna waxa uu ahaa inuu tago”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More