UEFA Oo Shaacisay Tirada Taageerayaasha Loo
UEFA ayaa qorsheyneysa inay taageerayaasha labada kooxood ee isagu soo hara finalka Champions League ee magaalada Istanbul inay soo xaadiraan garoonka bisha May.
- Advertisement -
Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacinin tirada uu qaadi doono garoonka Ataturk Olympic Stadium finalka 29ka bisha Mat hadana sideeda kooxood ee isagu soo haray wareega 8da ayay UEFA u sheegtay in ugu yaraan 9 kun taageerayaal ah loo ogolaan doono garoonka.
Go’aanka ugu danbeeya ee tirada taageerayaasha ee galeysa garoonka iyo dadka ka imaanaya dalalka kale ee doonaya inay ciyaarta daawadaan waxaa gaareysa dowlada Turkiha laakiin UEFA ayaa rajo fiican ka qabta.
UEFA ayaa sameysay nidaam casri ah oo lagu iibinayo tikidhada iyadoo taageerayaasha ay tikidhada ku heli doonaan taleefankooda si looga fogaado inay dadku hal meel isagu yimaadaan oo ay ka iibsadaan tikidhada iyo si looga fogaado in suuqa madow lagu iibiyo tikidhada.
Garoonka Ataturk wuxuu qaadaa 75,415 taageerayaal ah, inkastoo UEFA ay haatan shaacisay in 9 kun taageerayaal ah garoonka loo ogolaanayo hadana waxay ku rajo weyn yihiin in dowlada Turkiga ay ogolaan doonto in garoonka la buuxiyo boqolkiiba 30 ama 50.
Garoonka ayay aheyd inuu martigeliyo finalkii sannadkii la soo dhaafay laakiin waa laga wareejiyay markii uu dilaacay cudurka faafa ee Korona Fayras.
UEFA ayaa lagu qasbay in tartanka Champions League oo dhan ku qabato magaalada Lisbon ee dalka Portuga xilli ciyaareedkii hore iyadoo Bayern Munich ay koobka ka qaaday PSG.